Siyaasi Ibraahim Xabeeb Hiiraan iyo Sh/Dhexe Ma’aha labo is Qaadi Kara

Siyaasi Ibraahim Xabeeb Hiiraan iyo Sh/Dhexe Ma’aha labo is Qaadi Kara

daajis.com:- Siyaasiga Ibraahim Xabeeb Nuur oo ku sugan magaalada Beledweyne ayaa sheegay in markii horeba qalad aheyd go’aanka lagu gaaray in maamul loo sameeyo labada Gobol Hiiraan & Sh/dhexe oo ah labo gobol oo si walba ku kala duwan marka laga hadlayo baaxada dhulleed iyo taariikhda gobollada dalka Soomaaliya.

Siyaasiga oo maanta ka qeyb-galay kulan ka dhacay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in bulshad ku dhaqan gobolka Hiiraan marnaba diyaar u aheyn ka qeyb-galka shirka magaalada Jowhar’ isaga oo sheegay in sidda ugu dhaqsiyaha badan u saari doonaan go’aan deg deg ah.

‘’Hiiraan dhaqalle ahaan iyo dhul ahaan intaba waa gobol isku filan; anniga ma arko baahi loo qabo in Hiiraan Gobol kale lagu lamaaniyo’ arintaa waxaa u arkayaa dibin-daabyo shirqool siyaasadeed oo la rabo in lagu wiiqo masabka siyaasadeed ee bulshad gobolka ku dhaqan leeyihiin & taariikhda fog gobolkan ku leeyahay dhismaha dowladnimada dalka” ayuu yiri Ibraahim Xabeeb Nuur.

Siyaasiga oo mar sii horeysay sheegay in uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxweynaha maamulka labada gobol ayaa sheegay in uu aamisanaa dhismaha maamul cadaalad ku dhisan oo la ilaalinayo xuquuqda uu leeyahay gobolka, hasse ahaatee sidda wax loo maariyay marnaba la qaadan karin.

Bulshada ku dhaqan gobolka ayaa hadda u muuqda kuwo mowqif adag iska taagan ka qeyb-galka shirka Jowhar oo wali hakat buuxa ku jirra.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada