SAWIRRO: Mid ka mid ah GABDHIHII uu Xasan Sheikh ka iibiyey Sacuudiga oo si xun loo gubay

SAWIRRO: Mid ka mid ah GABDHIHII uu Xasan Sheikh ka iibiyey Sacuudiga oo si xun loo gubay

daajis.com:- Sawiro lagu daabacay baraha facebook ayaa muujinaya axsaan darada iyo xasidnimada qoysaska Sacuudiga ee loo shaqeynayo, kadib markii gabar u dhalatay qabiilka Filipinos kana soo jeeda koofur Bari Aasiya lagu ridau biyo Karkaraya.

Gabadha oo magac ahaan looga yaqaan xaafada ay ka shaqeyneysay Fatma islamarkaana 23 sano jir ah, ayaa ina adeerkeed weydiisatay caawinaad iyo iney reerkeeda ku wargeliso dhibataada ay la kulantay maadaama jirkeeda inta badan uu gubtay

Dowlada Sacuudiga ayaanan ka hadlin dhibataada qoyska Sacuudiyaanka u geysteen gabadhaasi.

Dowlada Soomaaliya ayaa waddo qorshe ay dalkaasi ugu direyso kumanaan haween ah oo la sheegay iney ka shaqeysan doonaan dalka Boqortooyada Sacuudiga.

Gabadha la gubay ayaa la sheegay inay bil ka hor tagtay Sacuudiga kadib markii ay qeyb ka noqotay gabdho uu Xasan Sheekh diray oo uu lacag uga qaatay Sacuudiga.
Dowlada Uganda ayaa dhawaan shaacisay in gabi ahaanba dumar dambe oo shaqaale ah loo diri doono dalka Sacuudiga maadaama ay bateen tacadiyada hablaha Uganda ay kala kulmayeen dadka ay u shaqeynayaan.

Dalka Sacuudiga waxaa ku xiran dhalinyaro badan oo ka shaqeysanayay waxaana loo diidaa iney meelaha qaar ka shaqeystaan.

Marar badan ayaa hablaha Soomaaliyeed oo qaarkood foolanaya lagu xiray xabsiyada dalka Sacuudiga iyadoo dalkaasi laga soo tarxiilay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada