DAAWO:- Ninkii fuliyay qaraxii Diyaarada Daallo & Sida wax u dhaceen

DAAWO:- Ninkii fuliyay qaraxii Diyaarada Daallo & Sida wax u dhaceen

daajis.com:- Qaabkii loo fuliyey iyo cidii fulisay weerarkii Qaraxa ahaa ee lala beegsaday diyaaradii Daallo Airlines ayaa markii ugu horeysay waxaa laga helay warar hor dhac oo ku saabsan arintaas.


Weerarkaan ayaa waxaa la sheegay in lagu fuliyey Laptop lagu soo dhex qariyey waxyaabaha qarxo kaas oo sida la sheegay uu diyaarada kula soo dhex dhuuntey nin odey ah oo gaariga Curyaamiinta lagu waday oo lagu magacaabi jirey Cabdullahi Cabdisalam Borleh oo la sheegay inuu ka soo dhacay diyaaradaas qaraxas ka dib.

Ninkaan ayaa la sheegay inuu ahaa mid si wanaagsan usoo qorsheeyey weerarkaas islamakaana damacsanaa inuu Taangiga shidaalka ee diyaaradaas uu la beegsado qaraxaas si uu u noqdo mid aysan cidna ka badbaadin qaraxaas islamarkaana sababo dhibaato baaxad weyn.

Kabtankii diyaaradaas oo lagu magacaabo Vlatko Vodopivec uu kaalin weyn ka qaatey badbaadinta rakaabka maadaama uu si taxadar leh uu ugu guuleystay inuu diyaaradaas oo ololeysay uu ku soo dejiyo garoonka diyaaradha magaalada Muqdisho, Kabtan Vlatko Vodopivec ayaa sheegay inuusan arag waligiis xaaladaan oo kale.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada