KUURIYADA Waqooyi oo Riday Gantaal Dheereeya oo Gaadhi kara Mareykanka

KUURIYADA Waqooyi oo Riday Gantaal Dheereeya oo Gaadhi kara Mareykanka

daajis.com:- Wadanka Kuuriyada Waqooyi ayaa maanta oo Axad ah hawada sare u diray gantaal nooca ridada dheer ah, falkan oo ay horey uga digeen wadamada Jaarka la ah iyo Beesha Caalamka.

Dowlada Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay in gantaalkan uu siday Satellite dalkaasi leeyahay, balse wadamada jaarka la ah dalkaasi ee Japan iyo kuuriyada Koonfureed ayaa ku sheegay falkan tijaabo gantaal loo adeegsan karo hubka Nukliyeerka.

Wadanka Kuuriyada Waqooyi oo ay horey u saarnaayeen xayiraad la xariirta tijaabinta hubka waaweyn sida gantaalada dhulka fog wax ka dili kara ayaa todobaadkii tagay digniino uga imaanayeen Beesha Caalamka inay ku dhaqaaqin arrintan.

Wadamada xulafada la ah Kuuriyada Waqooyi sida China iyo waliba Russia ayaa laftooda ugu baaqay dalkaasi inuusan arrintan ku dhaqaaqin, balse Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa dhegaha ka xiratay dhamaan baaqyadaasi.
Xukuumada Kuuriyada Waqooyi ayaa bishii lasoo dhaafay sidoo kale tijaabisay hubka Nukliyeerka noocii ugu cuslaa oo uu tan iyo hada wadankaasi sameystay.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada