Masaajida kuyaala UK oo maanta Albaabada loo furayo iyo Sababta ka dambeysa arintaasi

Masaajida kuyaala UK oo maanta Albaabada loo furayo iyo Sababta ka dambeysa arintaasi

daajis.com:- In kabadan 80 masaajid oo ku yaalla daafaha UK ayaa maanta albaabadooda u furaya dadka aan muslimiinta ahayn, taas oo qeyb ka ah la dagaallanta aragtida xun ee laga qabo Islaamka, iyo in dadka la baro diinta Islaamka waxa ay tahay.

Arrintan oo loogu magacdaray “maalintayda Masaajidka”, waxaa soo qaban qaabiyay golaha Muslimiinta ee Britain.

Masaajidda loo furayo dadka aan Muslimiinta ahayn waxay ku yaallaan, London, Birmingham, Manchester, Leeds, Glasgow, Cardiff, Belfast iyo meele kale.

Maalinta furitaanka masjidyada ayaa timid kadib markii tageerayaasha kooxda Pegeida ee ka soo horjeeda islaam naceebka ay maalintii sabtiida sameeyen banan bax amuusni ah oo ay ku mujinayeen shacuurtooda, bananbaxaasi ayaa ka dhacaay magalada Birmingham ee dalka Ingriiska.

In ka yar 200 qof ayaa ka muuqday banaanbaxa, balse waxa uu ahaa mid muujinaya cabsida dadka musliminta ahii ay qabaan. Kooxdani ka soo horjeeda islam naceebka ayaa ku faaftay guud ahaan qaradda Yurub.

In kabadan 80 masjid ayaa loo furayaa dadka oo dhan, iyagoo loo sharixi doona diinta islaamka waxa ay tahay,waxanna la siin doono fursad aay ku firsadaan saladda la tukanayo.

Taani ayaa ku soo beegmeyso waqti aysan jirin in laga baahiyo televishonada weerar ay koox mintidiin islaami ah ay qaadeen.

Qabanqabayaasha ayaa sheegay, in maalintani ay tahay waddo ay musliminta ku garayaan walalahooda kale ayna ku mujinayaan in diinta islaamka tahay mid nabaad ah.

Sanadihi ugu dambeyay, ayaa waxaa badanayay dambiyadaha loo geeysanayo islaamka ay geeysanayaan dadka islaamka naceeb, oo London oo kali ah waxa lagu soo waramaya in ay ka dhaceen 158 kiis sanadkii tagaay.

Muslimiinta dalka Uk ku nool ayaa waxa ay garaayan 3milyaan, iyagoo noqday 100kiiba 5 tiradda dadka ku nool dalkaasi.

Dhamaan masajiddada aya loo furayaa albabada, waxa ayna rajeeynaayan in aay baddalaan fikirka laga aaminsanyahay islaamka manta.

Xigasho BBC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:19 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada