Taliyaha CXD Soomaaliyeed oo Gaaray Dalka Masar (SAWIRRO)

Taliyaha CXD Soomaaliyeed oo Gaaray Dalka Masar (SAWIRRO)

daajis.com:-Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Maxamed Aaden Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa wuxuu kulan kula qaatay Magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar Taliyaha guud ee Ciidanka dalka Masar S/Guud Mohamud Hijaali iyo Saraaakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Dalkaasi.

Labada Taliye ayaa waxa ay ka wada hadleen xoojinta iskaashiga labada dal iyo taageerada dhanka Ciidamadda ee dawladda Masar ay siiso dalka Soomaaliya iyo sidii loo sii kordhin lahaa.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidanka Qalabka sida ee dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in booqashadani ay sii xoojin doonto cilaaqaadka soo jireenka ah ee u dhexeeya labada wadan, isagoo xusay in Masar iyo Soomaaliya uu taariikh fog iskaashi Ciidan u dhexeeyo.

Wuxuuna yiri: “Waxaan u mahadceliyaa Dawladda iyo Shacabka Masar sida diiran ee aniga iyo wafdigii ila socday ay dalkooda ugu soo dhaweeyeen, safarkan waa midkii ugu horeeyey ee intii aan xalka hayay dibedda ku imaado, waxaana ku imid Masar, taas oo cadeynaysa sida ay nooga go’an tahay in xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinaca ciidamada kor loo qaado”.

Waxa kale ee uu taliyuhu wariyeyaasha ku yiri: “Masar waa halkii aan ugu baxay kuliyadda dagaalka 1969-kii dufcadii 55-aad, waana saaxiibka koowaad ee Soomaaliya .

Taliyaha guud ee Ciidanka Xoogga dalka Masar, S/Guud Mohamud Hijaali, ayaa sheegay in Masar si buuxda u garab taagan tahay dib-u- dhiska Ciidanka Xoogga, ayna dalka ku bixin doonan maskax iyo maal.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada