Daawo Sawir laga qaaday RW CC iyo Dumar Soomaali ah oo qalqal galiyay madashii shirka Istanbuul

Daawo Sawir laga qaaday RW CC iyo Dumar Soomaali ah oo qalqal galiyay madashii shirka Istanbuul

daajis.com:- Waxaa maalinimadii shalay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga kusoo idlaaday Shirkii go’aan ka gaarista nooca doorasho ee Somalia, kaasi oo ay ku kulmeen madax badan oo aan horay wakhti isugu helin.

Gabagabada shirka kadib ayaa waxa ay ishu qabaneysay Ra’isul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo dumar farabadan oo jahwareeriyay madaxdii kale ee shirka ka qeybgaleysay kuwaasi oo ku mashquulay Sawiro iyo is wareysi.

Ku mashquulida Sawirada iyo is wareysiga Ra’isul wasaare Sharmaarke iyo Dumarkaasi, ayaa waxa ay muddo kooban caqabad ku noqotay la socodka amniga.

Dumarka isla sawiraayay Ra’isul wasaaraha ayaa kamid ahaa martida shirka, waxa ayna inta badan ahaayen kuwo wakhtigooda ku luminaayay sawirro iyo ku mashquulida naftooda.

Mashquulka Ra’isul wasaare Cumar iyo Dumarkaasi ayaa sababay inay xiranto waddo yar oo ay ku kala gooshayeen mas’uuliyiinta shirka kasoo qeybgalay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada