Eedeysanayaashii Dilay Wariye Hindiyo Xaaji oo Maanta La Xukumay

Eedeysanayaashii Dilay Wariye Hindiyo Xaaji oo Maanta La Xukumay

daajis.com:- Maxkamadda drajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fadhiisatay dhageysiga dacwad loo heystay eedeysaniyaasha kala ah; C/risaaq Maxamed Barrow Caddow, Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamee Abuukar Cali, Maxamed Maxamed Sheekh Yuusuf Wardheere, Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni oo xafiiska xeer ilaalinta maxkamada ciidanka qalabka sida uu ku soo eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii loogaystay Allaha u naxariistee Hindiya Xaaji Maxamed.

Guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida Gaashaanle dhexe Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in C/risaaq Maxamed Barrow Caddow ay maxkamadu ku riday xukun dil toogasho ah maadaama uu ahaa ninkii walxaha qarxa gaariga ugu xirey marxuumad Hindiyo Xaaji.


C/risaaq Maxamed Barow, ayaa sidoo kale waxaa lagu heley dambi ah in uu kooxda Al-shabab u qaabilsanaa dabagalka iyo sahaminta dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed oo kooxdu doonayso in ay dhibaateeyaan.

Sidoo kale maxkamadda ayaa xukun xabsi daa’in ah ku xukuntay eedeysanayaasha kala ah; Xasan Nuur Cali Faarax, Macalim Maxamed Abuukar Cali iyo Macalim Maxamed Sheekh Yuusuf, maadaama ay qirteen in kooxda Al-shabab ay u qaabilsanaayeen faafinta afkaarta kooxdaasi isla markaana ka shaqeyn jireen dugsiyo lagu fidiyo fikirta Al-shabaabnimada ah.

Maxkamadda ayaa eedeysanayaasha Muxudiin Cismaan Maxamed Cawaale iyo Cali Xasan Aadan Tooni, waxaa ay ku xukuntay shan sano oo xabsi ciidan ah, maadaama ay la shaqeyn jireen kooxda nabad diidka ah ee Al-shabaab.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada