TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.

TOP: Sirdoonka Mareykanka oo Shaaciyay Cida ka dambeysay Qaraxii Diyaarada DAALLO.

daajis.com:- Xog dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxii sida weyn loo abaabulay ee ka dhacay gudaha diyaarada Daallo kaasoo ilaa hada baaritaan lagu wado.

Xubnaha ku howlan baaritaanka ayaa iskugu jira Soomaali iyo Xubno ka socda Sirdoonka Reer galbeedka ee xaruumaha ku leh xerada xalane iyadoo Dowlada federaalka ilaa hada wax natiijo ah aysan soo bandhigin.

Wakaalada wararka ee Reuters oo soo xiganaysa ilo katirsan dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in Al-shabaab looga shakisanyahay inay ku lug lahaayeen dhacdadii qabsatay diyaaradii Daallo Airlines.

Mareykanku waxa uu sheegay in maleeshiyada Al-shabaab waligeeduba ku taameysay inay fuliso weeraro loo adeegsado diyaaradaha, taasina ay qeyb ka tahay qorshahooda ku aadan la dagaalanka nabada iyo xasiloonida.

Diyaaradan ayaa laba maalin kahor ka duushay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho tobaneeyo daqiiqo kadibna dib ugu soo laabatay Garoonka kadib markii uu Qarax ka dhex dhacay gudaheeda.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 07:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada