Van Gaal Oo Walac Ka Muujiyay Wada hadalada Jose Mourinho iyo Man United

Van Gaal Oo Walac Ka Muujiyay Wada hadalada Jose Mourinho iyo Man United

daajis.com:- Tababaraha kooxda Man United Louis Van Gaal ayaa ugu danbayntii afka furtay isla markaana ka hadlay wararka sheegaya in United ay wada hadalo kula jirto tababarihii hore ee Chelsea.

Louis Van Gaal ayaa sheegay inuusan aaminsanayn in Man United ay isaga dhabarka ka tooganayso isla markaana ay wada hadal kula jirto Jose Mourinho.

Ka hor kulanka caawa ee Chelsea iyo United ayuu yiri Van Gaal:

”Waan ogahay inay jiraan warar xun oo marwalba la ila dabajoogo” ma awoodo inaan rumaysto inuu jiro xiriir u dhexeeya United iyo Jose Mourinho.

Ma ahan markii iigu horaysay ee aan la kulmo arinkaan oo kale’ waxaan horay ugula soo kulmay Spain iyo Germanka.

Isaga oo u sii jawaabaya saxaafada ayuu yiri:

”Waxay soo hindisayaan sheekooyin jeebkooda ah, waxay sheegeen inaan i jaartay dad si ay u ilaaliyaan xaaskayga; marnaba ma samayn sidaas, wadooyinka ayaan iska socdaa aniga oo aan amni wadan, dhamaan dadka halkaan aad ayeey u fiicanyihiin.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:16 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada