Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Deeq Gaadiid kala Wareegtay Dawladda Masar (Sawirro)

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya oo Deeq Gaadiid kala Wareegtay Dawladda Masar (Sawirro)

daajis.com:- Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa maanta oo Khamiis ah kala wareegtay deeq gaadiid iyo qalab-xafiiseed dawladda Masar, waxana Munaasabadda wareejinta ka qeyb galay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali iyo Safiirka dawladda Masar Waliid Ibraahim.

Danjire Waliid oo ugu horeyn saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in gaadidka maanta ay ku wareejiyeen Wasaaradda Gaashaandhigga uu qeyb ka yahay taageerada Dowladda Masar ay la garab tagaantahay Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Cabdalla Xuseen Cali, ayaa u mahadceliyay Dowladda Masar gaadiidka ay ku wareejisay oo uu sheegay inay wax weyn ka tari doonaan tayeynta iyo dib u dhiska Wasaaradda, isagoo xusay in dawladda Masar ay sidoo kale ugu deeqday Qalab xafiiseed.

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini oo dhawaan booqasho ku tagey dalka Masar, ayaa dalkaas kala soo hadlay sidii gacan looga siin lahaa horumarinta Wasaaradda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada