Wax Badan Ka Baro Sirta Ku Jirta Galmada Lamanayasha Is Qaba ?

Wax Badan Ka Baro Sirta Ku Jirta Galmada Lamanayasha Is Qaba ?

daajis.com:-Sida qof waliba uu maanka ku haya waxaa jira waxyaabo badan ay gabadha Ninkooda ku soo Jiidan karto si aay cayaar wanaagsan u Daneynsiiso, waxaa ugu wanaagsan in aay si wanaagsan u salaanto marka uu Guriga yimaado, si wanaagsana aay ula hadasho, Salaan la’aanta iyo hadalka xun wuxuu sababi karaa in Cayaarta raga ee Sariirta aay hoos u dhacdo. ama in uu Xaas kale kula Guursado halkaasne ay ka timaado caro iyo naceyb weyn oo niyadada kusii beermo.

Hadaba Gabadha waa in uu Ninkeedu ka dareemaa in aay Dalbayso Cayaarta Sariirta, maxaa yeelay Gabdho badan ma oga dalbaka in uu Ninkeeda ka garto waxaay aaminayaan in aay tahay wax ceeb ah, Asxaabta Nabigeena Muxamed (SCW) marka la aamanayo xaasaskooda waxyaabaha lagu amaano waxaa ka mid aheyd in Gabadha aay Maro gaaban oo fudud haddii uu Ninkeeda damco in uu u galmoodo aanan dhibeynin in uu ka siibo ayay xiarn jirtay.

Ha yeshee Gabdha waxaa laga doonayaa in aay u fahanto galmada in aay tahay mid nolosha ka mid ah, oo danta laga gaarayo aay tahay mid aay labada is qabaa aay wada gaarayaan, ninkaada waxaa wanaagsan in aadan u muujinin in uu isaga aay Faa’iido ugu jirto Cayaarta Sariirta oo aad adiga ugu danaynayso hasa ahaatee waa in aad u ragtaa adiga Ruuxaaga in aad u baahantahay oo aad ka faa’iideyso.

Hadaba Gabadha wax badan waa in aay jishaa waqtiga galmada ama raaxada lagu gudo jiro oo maalinba filim cusub aay u jisho oo wax cusub uu ninkeeda ku arkaa taas waxaay keeneysaa in uu u xiiso ninkaaga Galmada islamarkaane uu jaceyl usii qaado.

Lakin waxaa wanaagsan marka aay dhamaato galmada in gabadha aay dareensiiso Ninkeeda in uu shaqo wanaagsan qabtay oo aay u duceyso, si wanaagsan ayaa iigu raaxeysay iwm. aay kula hadasho aaynana marna dareensiinin in uu qalad sameeyay intii lagu guda jiray galmada haddii aay doonayso in aay wax ka saxdo waxaa wanaagsan waqti kale in aay u sheegto ayadoo xikmad adeegsanayso.

Ninka oo Haweynaydiisa marwalba oo shaqada dhamaado dareensiisaa in uu shaqo wacan qabanin waxaay keentaa in uu Xubintiisa kici waydo mararka qaar.

Ugu danbeeyntii shabakada daajis waxay ku leedahay waxaa haweeneyda ku haboon in aay areyo jacel uga sheekeeyso waqtiga Galmada kadib ninkeeda oo la jiifa taasi waxay sii abuureysa jaceyl xad dhaaf labadoda ma noqonayaan kuwa kala xiisa oo kala maqnaada.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada