Maamulka Galmudug oo Lagu Soo Wareejiyay Hub iyo Ciidan (SAWIRRO)

Maamulka Galmudug oo Lagu Soo Wareejiyay Hub iyo Ciidan (SAWIRRO)

daajis.com:- Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi iyo mas’ uuliyiin ka tirsan golaha wasiirrada, xildhibaano iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Gobalka Mudug ayaa maanta waxaa lagu wareejiyay gaadiid dagaal oo gaaraya ilaa afar gaari oo ah kuwa qoryuhu ku rakiban yihiin iyo maleeshiyo beeleed.

Munaasabada hubkaan lagu kala wareejinayay ayaa waxaa ka hadlay qaar ka mida waxgaradkii iyagu dadaalka dheer usoo galay in hubkaan lagu wareejo Dowlad Gobaleedka Galmudug waxayna faah faahin ka bixiyeen tirada Ciidamada ay wareejiyeen oo ay ku sheegeen inay yihiin 95 nin oo ka mid noqon doona ciidamada Maamulka Galmudug.


Gudoomiyaha gobalka Mudug ee dowlad gobaleedka Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan oo isna goobta ka hadlay ayaa ka mahad celiyay hubka maanta lagu wareejiayay dowlad gobaleedkiisa.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa mahad celin kadib sheegay in maanta wixii ka danbeeya ay ka warqabi doonaan baahiyada ciidamada iyo hubka lagu wareejiyay, iyagana looga baahan in ay gutaan waajibaadka ciidanimo ee dowlad gobaleedku uga baahanyahay.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada