Xaalad Walbo Oo Aad Ku Sugan Tahay Ogoow Aniga Xageyga Waxaad Ii Tahay Shaqsi Lama Ilaawaan Ah

Xaalad Walbo Oo Aad Ku Sugan Tahay Ogoow Aniga Xageyga Waxaad Ii Tahay Shaqsi Lama Ilaawaan Ah

daajis.com:-* Sanadihii xiisaha,isdhaafsiga dhambaalada caashaqa weli waan ku dhex nool nahay inkastoo laga yaabo dad badan iney aaminsan yihiin in dadka isku cusub oo keliya ay sidaan oo kale isku koolkooliyaan,haseyeeshee xageena hadafka nolosha waa inaan farxad iyo jaceyl mira dhala ku noolaano.

* Aragtidaada wey i farxadgelisaa,waxeyna isiisaa awood aan nolosha ku wajaho oo aan ku sii dhaganaado ,waxaad leedahay shaqsiyad aad u macaan oo aan qof walbo ka mideysneyn.waxaadna igu soo kordhisay xamaasad lama ilaawaan ah qalbigaaga naxariista leh ee cid walbo indha sarcaadiyey waa kan i gaarsiiyey marxalad aan ka soo noqosho laheyn.
* Soo jiidashadaada cajiibka ah waa mida kaa dhigtay marwalba qof dhameystiran, ilmadeydu xad maleh xitaa marka aan faraxsanahay waana ku tebayaa waana jeclahay si xaddhaaf ah,daajis.com,waxaa ii tahay waxwalbo oo aan ku riyooday inaan ku helo nolosha,daacadnimadaada ayaa igu dhiirigelisay inaan xilli kasto kuu qalbi furnaado.
* Waan ku jeclahay waayo waad i farxadgelisaa xilli kasto,waxaadna taagan tahay garabkeyga waqti kasto oo aan kuu baahdo,qofna farxad ima siin karto ilaa adiga maahe.
* Marwalba oo aan wada joogno uma baahna inaan isku dayno inaan kulankeena ka dhigno mid xiiso leh ,sababtoo caadiyan ayeyba ayaanba isugu nahay laba leysugu talogalay.
* Waxaan ahay qof aad u nasiib badan illeen adigaan ku helay, marnaba kama shalaayi doono daqiiqadaha aan wada qaadanay inaan ku sii jeclaado maahe, waxaad tahay nolosheyda ,jaceylkaagana ma´ahan mid la iibsan karo.
*Xaalad walbo oo aad ku sugan tahay ogow aniga xageyga waxaad ii tahay shaqsi lama ilaawaan ah oo qofla mid ah dunida inteeda kale aan lagu abuurin, daajis.com,fur qalbigaaga si deganaana u dhageyso fariimaha uu ku siinaayo si aad u ogaato heerka rabitaankeyga uu iga taagan yahay.
* Waxaad tahay qofka keliya ee i baray dareenka caashaqa shaleyti la’aan iyo anigoo aan ka baqeyn inaad qalbiga iga dhaawacdo,waxaan kuu aaminay si qayaas la’aan ah,waana ogahay inaadan ku tuman doonin kalsoonidaas xaddhaafka ah.
*Cidina ma awoodi doonto iney i dareensiiso xadiga aan adiga dartaa ugu suganahay, ma jirto daqiiqad aan adiga kaa fekerin oo aanan niyada kugu heyn,weligeyna waan kugu heyn doonaa macaane.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada