Akhriso Warbixin ku saabsan Dareenka Ragga ( Kacsiga ).

Akhriso Warbixin ku saabsan Dareenka Ragga ( Kacsiga ).

daajis.com:-Borotiinnada laga helo cuntooyinka ay kamidka yihiin Hilibka cad sida Kalluunka iyo Digaagga iyo weliba Caanaha iyo Farmaajada cadi waxa ay sameeyaan hormoonno kordhiya kacsiga iyo rabitaanka ragga ee ku wajahan dumarka inay la sameyaan ciyaar macaan.

Hadaba Vitamiin A waxa uu kamid yahay waxyaabaha aan looga maarmin tamarsiinta habdhiska taranka ninka, isaga oo awood siiya qanjirka Borostaatka iyo Qooraha, kana qaybgala cusbooneysiinta unugyada dhinta iyo dardargelinta kuwa tabarta daran Fitamiin A waxa uu ka buuxaa Karootada iyo khudaarta iyo furutada fareeshka ah inteeda badan ee keena dar darta xoogan.

Hasa ahaatee vitamiin B1 isagu waxa uu gacan ka geeystaa xoojinta qanjirrada taranka iyo firfircooneynta insiimada qabta shaqooyinka bayolojiyeed ee jirka. Ninka uu fitamiinkaasi ku yaryahay waxaa ku dhaca tabar-darri, rabitaan la’aan iyo geedka oo ka raaracsama hawshii galmadana si wanaagsan u gudan waaya.

Vitimiin D, waxaa loogu yeeraa (Fitamiinka Jinsiga), maxaa yeelay waxa uu kamid yahay waxyaabaha ugu waxtarka badan ee lagu daaweeyo madhalaysnimada. Wuxuu door weyn ka cayaaraa daryeelka tubbooyinka xawada ee ku jira xiniinyaha ragga, yaraantiisuna waxay kamid tahay waxyaabaha ugu badan ee ragga madhalaysnimada ku dhaliya. Fitamiinka waxa laga helaa khudaarta caleenleyda ah iyo Firileyda sida Qamadiga.

Hadaba Cuntooyinka la caddeeyey waxtarkooda waxa ugu horreeya kuwa caloosha dhaqso ugu shiidma, jirkana degdeg uga baxa sida tan.


1- Kalluunka iyo Aragoostada’Waxay kamid yihiin waxyaabaha Borotiinnada iyo Vitamiinnada laga helo kuwa ugu wanaagsan qeeyb weyne ka qaata kulanka adag ee sariirta,

2- Hilibka Digaagga iyo Ukunta:- Degdeg bay xiidmaha ugu shiidmaan, xawadana waa ay kordhiyaan.

3- Digaaga,nooca Dagiiranka, hilibkoodu waxa uu hilibkoodu faa’iido gaar ah u leeyahay bekra-jebinta, waxaana arrintaasi bariga dhexe laga ogaaday kumanaan sano kahor. Masaaridu ilaa iyo maantadaan la joogo qoyska cusub hilibka Shimbiraha uunbay uqooshaan habeenka aqalgalka,

4- Xummuska, Xumuska keligii ama isagoo malab lagu iidaamay. Caalimkii la oran jiray Ibnu Siinaa waxa uu qoray in Xummusku kordhiyo ragannimada iyo rabitaanka jinsiga, sidaa daraadeed waxa calaf looga dhigi jiray Faraska labka ah iyo Ratiga kolka la rabo inay dheddigooda abaahiyaan.

5- Basasha:- Basashu Geedka way kicisaa, xawadana ama biyaha ayeyna kordhisaa.
6- Baqdooniska (Parsley):- Waxaaba loo yaqaan Vitamiinka ubad dhalista.

7- Timirta:- Timirta waxaa ku jira Vitamiin D, madhalaysnimada ka hortaga, waxanay culimada qaar u yaqaannaan (Vitamiinka Taranka).

8- Jarjiirka (Rocket):- Waxa uu kordhiyaa samayska xawada ama minada iyo awoodda jinsiyeed ee ragga kordhisa qofkii ay biyihiisa iyo shaqadiisa badantahay ay dumarka u yiqnaan rag rag dhaafay,

9- Karootada, Waxay gacan ka geysataa daaweynta tabar-darrida guud ee jirka oo ay ku jirto ta jinsigu.

10- Karafiska (Gelery):- Waa firfircooneeye jinsiyeed fariid ah, waxaana loo isticmaalaa ansalaato ahaan.

11- Xabbat Sowdada:- Xawada ayay kordhisaa.

12- Heylka:- Heylka ay Soomaalidu shaaha ku darsadaan, waxa uu firfircooneeyaa wareegga dhiigga iyo rabitaanka jinsi ee qofka.

13- Sacfaraanka:- Ubaxa Sacfaraanka waxaa ku jira maaddooyin kordhiya awoodda jinsiga.

14- Lowska: Lowska (Fuul Suudaaniga) isaga waxaan lagula tartameyn kordhinta tirada iyo tayada xawada, iyadoy weliba intaa u dheer tahay kacsiga ninka iyo culayskiisa oo uu kordhiyo.

15- Sanjabiilka: Sanjabiilku caarkana wuu adkeeyaa calooshana jilciyaa, wuxuuna si gaar ah u cajabiyaa ragga cimrigoodu hore u batay.

16- Cabitaannada. Cabitaannada qaar baa jira kordhiya xawada, mar walba oo uu ninku cabana kacsi la miyir beelo , waxana ugu horreeya Qorfaha iyo Xulbada,
Ugu Danbeeyntii Maamulka Shabakada HMN Waxa Uu Ku Leeyahay Hadii Aad Xaasle Tahay Marwo Ama Nin Xaas Ah,Gabar Ama Wiil Doob Ah Talo Walba Oo Oo Aad Naso Weeydiiso Diyaar Ayaan Kula Nahay Inaan Jawaab Wanaagsan Aan Ku Siino Fadlan Nagala So Xiriir Email-kan Ah.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada