Amiir Ka Tirsanaa Ururka Al Shabaab oo Isku soo Dhiibay Ciidamada Dowladda

Amiir Ka Tirsanaa Ururka Al Shabaab oo Isku soo Dhiibay Ciidamada Dowladda

daajis.com:- Gudoomiyaha Degmada Qoryooley, Maxamed Xaaji Cismaan ayaa sheegay un Amiir ka tirsan Ururka Al Shabaab uu isku soo dhiibay ciidamada dowladda.

Ninkan ayaa markii hore la soo xiriiray, waxayna shalay ka soo kaxeeyeen duleedka Degmadaasi, isla-markaana ay keeneen sida uu sheegay gudaha Degmada Qoryooley.

Gudoomiyuhu wuxuu yiri “Wuxuu inoo sheegay inuu yahay Amiir ka tirsan Al Shabaab, isagaana go’aansaday inuu isaga soo taggo, iskuna soo dhiibo Dowladda Soomaaliya, Wuxuu ka cabanaayay dhibaatooyin dhinaca Al Shabaab ka haystay. Waxaan rabaa buu leeyahay is bedel aan ku sameeyo nolosheyda.”


Markale, ayuu yiri “Hub ma wadan, cid kale oo la socotayna malahan, keligiis ayuu isku kaaya soo dhiibay. Anaga meel aan gayno ma naqaano Amiir Al Shabaab ka tirsan, wixii waajibkeena waan gudanay.”

Gudoomiyaha, ayaa sheegay in gaadiidka qufulan ee Ciidanka Nabad Ilaalinta Midowga Afrika maanta looga soo qaaday Degmadaasi, waxaana loo qaaday buu yiri Magaalada Muqdisho, waxaana lagu wareejiyay Laamaha amniga ee Dowladda.
Dowladda iyadaa laga rabaa inay go’aan ka gaarto, haddii ay sii daayi laheyd iyo haddii ay hayn laheydba.” Ayuu yiri Maxamed Xaaji Cismaan.

Maxamed Xaaji Cismaan oo la hadlay Warbaahinta, ayaa yiri “Waan weydiinay wuxuu qaban jiray iyo meelaha uu ka shaqayn jirayba, wuxuu na leeyahay waxaan ahay Amiir ka soo shaqeeyay dhawr ka mid ah Degmooyinka Gobolka Shabellaha Hoose.”

Madaxda Dowladda Somaliya, ayaa horey u ballanqaaday in la soo dhaween doono xubnaha Ururka Al Shabaab ka tirsan, haddii si iskooda ah ay isugu soo dhiibaan Dowladda.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada