Warar Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Duqaymihii Xagga Cirka ahaa ee Gobolka Hiiraan

Warar Dheeraad ah oo Kasoo Baxaya Duqaymihii Xagga Cirka ahaa ee Gobolka Hiiraan

daajis.com:- Waxa ay warar dheeraad ahi ka soo baxayaan degmada Buulo Barde oo ay xalay duqeeyay Xoogani oo xagga cirka ah ay ka dhaceen xero tababar loogu soo gabagabeyay ciidan ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Xerada Duqeyntu ay ka dhacday ayaa waxaa ay ku taalaa tuulo lagu magacaabo Dhariyow oo ilaa 60 km dhinaca Galbeed ka xigta Degmada Buulo Barde ee gobolka Hiiraan.

Qaar kamid ah dadka degaanka ayaa warbaahinta u sheegay in xerada dhexdeeda jug xoog leh laga maqlay ilaa 7 jeer, halkaas oo ay ku sugnaayeen madax ka tirsan Ururka Al-shabab oo goobta u tagay inay tababarka Ciidanka u soo xiraan.

Waxaa goobta ka dhacay weerar aad u xoogan iyadoo Holaca iyo qiiqa ka dhashay duqeynta  la’ arkayay ilaa saake waabarigii, Ninkii warbaahinta la hadlay ayaa diiday in magaciisa la adeegsado kuna sheegay sabab xagga nabad galyadiisa ah.
Isgaarsiinta degaanka ayaa tan iyo xalay markii ay duqeyntu dhacday hawada ka maqan, ciidankii Shabaabka ee goobta ku sugnaa ayaa isku gadaamay goobtii uu qaraxu ka dhacay

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada