Qubarada
Jaamada Boston University ee dalka America ayaa shaaca ka qaaday markii
ugu horeysay in ay Tomato ama Yaanyada ay ka qeyb qaadato kacsiga gaar
ahaan dhanka Dumarka.
Inkastoo dumarka ay aad u
isticmaalaan Yaanyada hada ma ogo sirta dhabta ah ee ku jirta waxaana
cilmi baaristaasi lagu sheegay in haweenka isticmaala yaannyada ay ka
kacsi badan yihiin kuwa kale ee aanan isticmaalin waana sababta keenta
in xitaa haweenka aadka u isticmaala ay ka raaxa badanyihiin kuwa kale.
Raaxada Sariirta oo ah
mida ugu qiimaha badan raaxo nolol uu arko ayaa ah mid labadan dhinac ay
u maraan wado walba oo lagu kordhin karo qiimaheeda ayadoona shirkadaha
aduunka ay isku dagaalaan in ay soo saaraan sheyba
sheyga uu qurux badanyahay si loogu isticmaalo aqalka.
Tomato ama Yaanyada ayaa
la sheegayaa in ay ku jirto maado kicisa dareenka xiliyada badan
ayadoona sida aan wada ognahay haweenka Soomaaliyeed ay aad u
isticmaalaan xili kasta.
DALAC-BILAASHA waxa uu
ka mid yahay inta badan wax ay ka wada simanyihin dumarka Soomaalida
cunistiisa ayadoona 90% ay tahay tomato-da waana mida keenta in hablaha
Soomaalida xiliyada qaar ay ka dareen iyo kacsi badanyihin kuwa kale ee
caalamka marka laga reebo kuwa aanan isticmaalin Dalacbilaashka.
Cilmi baaristaan ayaa
noqoneyso tiro daraasad oo ay sameysay Jaamacada waxaana haatan lagu
ogaaday dalalka aadka loogu isticmaalka badanyahay Italy, Pakistan,
America, Somalia ayadoona dalalkaasi ay yihiin kuwa liiska koobaad uga
jira isticmaalka tomato-da ama Yaanyada.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:30 and have
, Published at