daajis.com:- Waxa jiro geedo badan oo ka baxa dhulka somalida kuwaasi oo somalida intooda badani adeegsadaan balse dhalinyartu ay ka dhaga laadahay arrinkaasi
1-Soo qaado koob Malab ah iyo koob badhkii oo Basal la ridqay ah, oo isku kari ilaa iyo inta urta basashu ka ba’ayso, markaa hal macalgo ka qaado raashin kasta dabadii, adigaa wax dareemi doonee.
2. Malqaacad (Qaaddo) Xabbaasuud ah oo riqdan (shiidan) intaad ku jebiso toddoba xabbo oo Beed ah ‘Ukun guri’, maalin dhaaf u qaado muddo bil ah, waxaad kala kulantana ha iga qarsan.
3. Saddex gabal oo Toon ah ku rid raashin kasta dabadii.
4. Saddex malqaacadood oo Saliid Xabbaasuud saafi ah, ku jebi toddoba xabbo oo Beed ah, kuna dar saddex malqaacadood oo Malab ah, waxaas oo dhanna makiinad ku wada ridiq, raashinka dabadiina qaado.
5. Malqaacad Malab ah ku dar laba garaam oo Sanjabiil ah iyo laba garaam oo Qarofal la ridqay ah, aroor kastana cun intaadan wax kale carrabkaaga saarin.
6. Caanaha Lo’da oo saafi ah ku dar laba malqaacadood oo Sanjabiil ridqan ah, xoogaana dabka saar. Hal bakeeri oo weyn ka cab habeenkii hal saac ka hor xilliga galmada. Kolkaad Sanjabiilkaa cabtana iska ilaali inaad wax cunto ah ka daba geysid ilaa ay galmadu kasoo gebagabowdo.
7. Soo qaado shamaca Malabka (25g), Miski (5g), Cambarka Nibiriga oo dabiici ah (10g), Saliid Xabaasuud (240) iyo Sonkor (5g). Intaad isku wada qastid ku karkari dab deggan illaa iyo intay si wanaagsan isu dhex dabaalanayaan, midabkooduna ka noqonayo madow xigeen, dareerihiina isu beddelayo cajiin xigeen. Dabeeto intaad quraarad yar ku shubatid, dhig meel aanay carruurtu ka gaadhi karin. Galab iyo subax ka qaado qaddar aad u yar oo le’eg madaxa kabriidka kuna cab shaah, saddex beri kadibna ii war keen.
8. Iniinyaha Karafiska (Gelery), Jarjiirka (Rocket), Fijilka (Radish), Karootada (Carrot), Sanjabiilka iyo Xabbaasuudda, intaad mid waliba (25g) kasoo qaadatid, si wanaagsan u shiid kuna cajiin hal kiilogaraam oo Malab saafi ah, dabeetana malqaacad yar raashinka dabadii ka qaado, adigoo weliba badsanaya cabista Canabka iyo Karootada la miiray iyo cunista Beedka (Ukunta). Kolkaad intaa dhammaysana Ilaahay idamkii amankaag baad arki.
9. Soo qaado Beed oo intaad meel yar ka daloolisid ka daadi xabka cad, daloolkana kaga shub malab. Intaa kedib cajiin daqiiq kaga dabool daloolkii yaraa oo foornada xoogaa ku shiil ama weel biyo ku jiraan intaad dhex dhigtid dabka la saar. Dabeeto intaad beedka soo saartid, waxa ku jira ka cab iyagoo kulul, bil walbana hal usbuuc sidaa yeel, daawo kuuma dhinnee.
10- Soo qaado dhowr xabbo oo Beed ah, intaad caddaanka ka daadisid, shaharka subag ku shiil, dabeeto intaad Malab dhex dhigtid ku cun roodhi laga dubay daqiiq aan la xashirin. Haddaad subaxdii quraac ka dhigatid ama habeenkii cuntid saacado ka hor xilliga galmada, ogow daawo kuuma dhinnee.
Tixraac: Buugga Raaxada GuurkaFADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:00 and have
, Published at