Daawo:- Booliska Dalka Belgium-ka oo Gacanta ku Dhigay Najim Laachraoui (VIDEO)

Daawo:- Booliska Dalka Belgium-ka oo Gacanta ku Dhigay Najim Laachraoui (VIDEO)

daajis.com:-  Booliska Dalka Belgium-ka ayaa gacanta ku dhigay ninkii la socday ragii shalay qaraxyada ka gaystay gudaha garoonka diyaaradaha ee magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.

Booliska dalkaasi ayaa baaritaano dheeri ah bilaabay iyaga oo baadi goob dheer uu galay soo qabashashada Ninkaasi looga shakiga qabo in uu yahay ninkii ka danbeeyay ama keenay in weerarka lagu qaado xarumo muhiim u ahaa dalkaasi.


Najiib Laakrahoi waa nin 24 sanno jir ah wuxuu ku soo barbaaray  dalka Belgium-ka gaar ahaan magaalada Brussels, waana nin ay aad u garanayaan Booliska dalkaasi.

Waxaa la rumeysan yahay in Najiib uu u safray dhankaasi iyo Suuriya sanadkii 2013-kii, waxaana la’aamin sanyahay in uu yahay maskadii ka danbeysay in Brussels ay ka qortaan ISS dhalinyaro badan oo garabkooda ka dagaalanta.
Sanadkii 2014-kii waxaa soo baxay warqad ka timid Interpol oo lagu doonayay in isagaasi lagu xiro,laakiin nasiib daro warqadaasi kama aysan hor istaagin in uu dib ugu soo laabto dalkaasi Belguim sanadkii 2014-kii.

Isla sanadkii tagay bishii december booliska dalka faransa ayaa raadinayay maskaxdii ka danbeysay weerarkii ka dhacay dalkaasi, iyadoo la baadi goobayay nin markaasi magacisu ahaa Soofiyaani Qayaal, laakiin hada waxaa soo baxaysa in uu ahaa Najiim Laakhoori, waxaana lagu ogaaday arintaasi DNA laga qaaday waxyaabaha qarxa iyo aalado kale ee uu isaga horay u adeegsaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada