Ciidamada amaanka Galmudug oo qabtay qaar kamid ah shabaabkii kasoo dagaalamay Puntland

Ciidamada amaanka Galmudug oo qabtay qaar kamid ah shabaabkii kasoo dagaalamay Puntland

daajis.com:- Maamulka Galmudug ayaa sheegay ineey qabteen ilaa 30 dagaalyahan oo shabaab katirsan, kuwaasoo kamid ahaa kuwii kasoo dagaalamay Puntland.

Ragaan ay Galmudug qabatay ayaa isugu jiray qaar hubeysnaa iyo qaar aan hub wadan oo ku dhuumanayay xaafadaha magaalada Gaalkacyo.

Saraakiil ka tirsan Galmudug ayaa sheegay in labo ka mid ah 30-ruux ay qabteen ay ahaayeen Haween, waxaana qaarkood lagu soo qabtay hub fudud.

Ciidamo fara badan oo ka tirsan Galmudug ayaa ku baxay deegaano ka tirsan Mudug oo la sheegay inay u soo firxadeen Al-Shabaabkii lagaga soo itaal roonaaday aagga Garacad iyo Togga Suuj.
Puntland ayaa shalay sheegtay in dagaalyahanadii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ay kula dagaalamay duleedka Garacad ay galeen dhanka Galmudug.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 01:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada