Shir Looga Hadlayay Qaab Dhismeedka Ciidanka Boliiska Oo Nairobi lagu qabtay

Shir Looga Hadlayay Qaab Dhismeedka Ciidanka Boliiska Oo Nairobi lagu qabtay

daajis.com:- Shir looga hadlayay qaab dhismeedka ciidanka booliska soomaaliyeed oo uu ka soo qeyb galay wasiirka Amniga gudaha soomaaliya ‪C/risaaq Cumar Maxamed, wasiirada Amniga maamul goboledyada’Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliyeed’Taliyaha ciidanka CID-da, gudoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir, iyo wakiilo ka kala socday Hiiraan iyo Shabelada Dhexe ayaa galabta lagu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi.

Xiritaan shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul wadaare ku xigeenka dalka  Maxamed Cumar Carte’xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Axmed Cali Daahir iyo wasiiru dowlaha wasaarada warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska Maxamuud Cabdi Xasan (Bekos).

Shirkan ayaa waxaa soo qaban qaabiyay dowlada Soomaaliya’waxaana fududeeyay Qaramada midoobay iyo Midowga Afrika.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com




Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada