Daawo: FARMAAJO oo bixiyey Waraysi dheer, Kana hadlay Xaalada Soomaliya, Doorashada, dagaalada iyo Ciidamada

Daawo: FARMAAJO oo bixiyey Waraysi dheer, Kana hadlay Xaalada Soomaliya, Doorashada, dagaalada iyo Ciidamada

daajis.com:- Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Somalia, Maxamed C/llaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa sheegay in isha uu ku hayo doorashada madaxnimo ee sannadkan ka dhici doonta Somalia, Wuxuuna Nasiib-darro weyn ku tilmaamay in madaxda dowladda Somalia ay go’aan ku gaaraan in doorashada ka dhici doonta sannadkan Soomaaliya lagu soo xulo hannaanka 4.5-ka ah oo ku saleysan qaab beeleed.


Farmaajo ayaa intaas ku daray in hoggaanka Somalia ay inta badan howshoodu tahay inay danahooda gaarka ah ka shaqeeyaan, intii ay ka shaqeyn lahaayeen Danta Guud. Wuxuuna xusay in danta guud ay tahay inay dadku codkooda si xor ah u dhiibtaan oo ay u codeeyaan ruuxii ay doonayaan inuu hoggaamiyo.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray in ciidamadu ay yihiin awoodda dalka oo dhan ugu weyn, xilli hadda lagu jiro xaalad dagaal… Isagoo xusay in ay ahayd in ciidanka loo dhiso guryo… askarta dhintana carruurtiisa la xannaaneeyo, balse aanay mas’uuliyada dowladda saaran ahayn in mushaarka ciidamada la siiyo ee aadka u yar laga fikiro.
Ugu dambeyn, Wareysigaoo aad u dheer, ayaa wuxuu kaga hadlay arrimo fara badan, isagoo shacabka ugu baaqay inay la xisaabtamaan dowladda oo aysan ka bixin, marka kalena ay sugidda ammaanka iyo canshuuraha bixintooda kala shaqeeyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 14:29 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada