Wariye John Cantlie oo mud kadib kasoo muuqday muuqaal ay ISIS soo duubtay

Wariye John Cantlie oo mud kadib kasoo muuqday muuqaal ay ISIS soo duubtay

daajis.com:- Muuqaal xaqiijinaya inuu weli noolyahay wariyaha u dhashay dalka Ingiriiska John Cantlie, ayay soo bandhigtay Kooxda ISIS oo uu gacanta ugu jirom, tan iyo sanadkii 2012-ka.

Waa markii ugu horeeysay oo mudo sanad kadib ah la arko Muuqaalka John Cantlie, kaasoo galay gacanta kooxda mayalka adag ee ISIS sanadkii 2012, waxaana xiligaas lagu qabtay gudaha dalka Syria.

John Cantlie, oo ah saxafi iyo Sawir qaade laga dambeeyo, ayaa intii uu gacanta ugu jiray ISIS, waxa uu soo duubay muuqaalo badan, kuwaasoo ay kooxda u isticmaaleysay qaab Borobagaando ah, gaar ahaan wuxuu muuqaalo kasoo diyaariyay duqeymaha ay diyaaradaha Mareeykanka ka fuliyaan goobaha ay maamulaan kooxda ISIS.

Muuqaalkan cusub ee ugu dambeeyay ee uu kasoo muuqday John, ayaa qaar kamid ah taageerayaashiisa, waxay sheegeen inuusan ahayn nin xur ah, walina uu yahay mid kooxda u afduuban.


Wasaarada arrimaha dibada UK, ayaa sheegtay ineey baaritaan ku samayn doonto Muuqaalkan ugu dambeeyay.

Muuqaalkan ugu dambeeyay ee Twitterka kooxda lasoo dhigay, ayaa Wariye John, waxa uu xiranyahay dhar madoow, wuxuuna ku dhex socdaa dhismooyin ay bur buriyeen duqeymaha diyaaradaha Mareeykanka, gaar ahaan magaalada Mosil.

Muuqaalkan oo la duubay xili maalin ah, ayaa John Cantlie, waxa uu taaganyahay bartamaha wado weyn oo dhex marta magaalada Mosil aadna mashquul u ah, waxaana gadaashiisa aad ka arkeysaa dad shacab ah oo maraya.


“20 Bilood oo duqeymo ah iyo $5bn oo uu Mareeykanka qarash gareeyay, miyuu bur buriyay ISIS” ayuu is weydiinayaa Wariye John oo u muuqday mid soo jeedinaya Barnaamij loo soo diyaariyay.

“Hadii uu Obama ula jeeday sidan bur burinta ISIS, waxaa sugeyso wado aad u dheer si uu bur buriyo ISIS”.


Markii ugu dambeysay ee uu Muuqaal soo duubo John Cantlie, waxay ahayd sanadkii 2014, markaas wixii ka dambeeyay muuqaalkiisa lama arag.

Jessica, oo ah Gabar la dhalatay wariye John Cantlie, ayaa dhawaan si toos ah ula xiriirtay kooxda haysata walaalkeed, waxayna ka dalbatay ineey dib xuriyadiisa u siiyaan.

Aabaha dhalay John ee Paul, waxa uu dhintay sanadkii 2014, wuxuuna u geeriyooday dhiig kar uu ka qaaday afduubka wiilkiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada