DAAWO Video :- Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada

DAAWO Video :- Hanjabaadii Xasan XANAFI ee Maxkamada

daajis.com:- Dilaaga wariyayaasha Xasan Xanafi Xaaji Ismaaciil oo shalay maxkamadda ciidamada qalabka sida ay ku xukuntay dil toogasho ah ayaa mar hadalka la siiyay uu maxkamadda ka sheegay hadal ay dadka qaarkii u fasiran karaan hanjabaad.

Eedeysane Xasan Xanafi ayaa maxkamadda ka sheegay in dilalka lagu eedeynayo badankood ay al­Shabaab geysatay ayaa waxaa uu qirtay oo kaliya dilka hal wariye. oo uu isagu gacantiisa ku dilay.

” – Al­Shabaab ayaa wariyayaasha
badankood dishay, laakiin aniga waxaan
gacanteyda ku dilay hal wariye“, ayuu yiri
Xasan Xanafi.
Dabadeed hadal hanjabaad u muuqda ayuu
hadalkiisa raacsaday kaddib markii lagu riday
xukunkii dilka ahaa.
” – Waa arki doontiin ban in ay istaagaan
dilalka wariyayaasha kaddib dilkeyga“, ayuu
yiri Mr. Xanafi.
Gaashaanle Xasan Cali Nuur oo xukunka Xanafi
ka akhriyay maxkamadda ayaa sheegay in
Xasan Xanafi Xaaji Cabdisalaan uu ka
dambeeyay dilalka
wariyeyaasha kala ah;
Mahad Axmed Cilmi
Cali Iimaan Sharmaake
Saciid Tahliil Axmed
Mukhtaar Maxamed Hiraabe
Sheekh Nuur Abkeey.
Maxkamadda ayaa lasoo bandhigay
markhaatiyo iyo codad caddeymo ah oo laga duubay Xasan Xanafi oo qiranaya dilalka qaar
ka mid ah wariyayaasha lagu eedeeyay.

HALKAAN RIIX SI AAD MUUQAALKAAN U DAAWATO
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada