Dabley Hubeysan oo goor dhow Muqdisho ku dilay Muwaadiniin Turkish ah

Dabley Hubeysan oo goor dhow Muqdisho ku dilay Muwaadiniin Turkish ah

daajis.com:- Dabley hubeysan ayaa goor dhow magaalada Muqdisho ku dilay muwaadiniin Turkish ah, kuwaasoo gaari saarnaa

Sida ay sheegayaan weerarka ayaa waxaa ku dhintay shan ruux oo Labo ka mid ah ay yihiin Turkish ah, halka saddex kale Soomaali ahaa, kuwaasoo kala ahaa darawal, ilaalo iyo Turjubaan.

Wararka ayaa sheegaya in weerarka ay geysteen koox hubeysan oo watay baabuur, kuwaas oo weeraray gaariga ay la socdeen muwaadiniinta Turkiga xilli ay marayeen xaafada Taleex ee degmada Hodan.

Ciidamada Ammaanka dowlada Fedeaalka Soomaaliya ayaa gaaray goobta weerarku uu ka dhacay ee xaafadda taleex ee degmada Hodan, waxayna halkaasi ka wadaan baaritaano.Mana jirto illaa iyo hadda cid sheegatay weerarkan.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:55 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada