daajis.com:- Runtii dhalinyaro faro badan ayey maskaxdooda kaguuxeysaa qoftaan malacagbey kugu soo raacday ama jaceyl, halka dhalinyarada qurbaha kunool aay aaminsanyihiin in aay qoftani kusoo raacday dibad doon oo waaba kabaxsantahay Lacag Ama eray macaan iney kusoo raacday.
Xaqiiqda ayaa waxey tahay in jaceyl iyo lacag aaysan loolami karin horayna waxaa usoo falanqeeyay abwaaniin waa weyn ayagoo gabayo, ruwaayado, iyo hal abuuro faro badan kasoo sameeyay,maantana shabakada kobciyemedia.com ayaa ku leh waxa aay dhabtu tahay in dumarka qaarkii xiliyadaan danbe jaceylkii aay kadhigeyn daneysi, halka raga qaarna jaceylkii aay kadhigeyn mar uun jirkeeda hanti, waxaa xasuusin iga ah Jaceylkii Isma Badalin Ee Dhalinyarooy Adinkaa is badalay ee yaan lahadhihin sanadahaan jaceylkii wuu is badalay, jaceylka ebid isma badali doono ee hadba waxa is badalaa waa jiilka soo baxayo.
Runtii waa jiraan dumar kugu jeclaanayo lacag hadii aad da’yartahay iyo hadii aad oday lac lac tahayba, waxaan xusuusinayaaa dhalinyarada rag ama dumarba ha ahaadeena in maantay qofkii aad ku raacday lacag beri uu waayn karo lacagtii aad ku raacday haddane beri qof kale oo lacag leh miyaa raadsaneysaaa, waxaan u fahmay mustaqbal maba rabtid ee waxaa rabtaa lacag taasoo ah mida kasoo horjeedo mustaqbalka.
Ma ogtahay qofkii aad ku raacday wax la’aaan inuu kamacaan badanyahay qofkii aad ku raacday lacag markii laga hadlo dhanka jaceylka, ma ogtahay in nolosha aad kacarareysid ee ah qofka aad ku raaceysid wax la’aanta iney kaxasuus badantahay qofka aad ku raacday lacagta, ma ogtahay qofkii aad maantay lacag la’aan ku raacday inuu beri heli karo lacag aad ku noolaataan, ma ogtahay in illaah markii aad aduunka kusoo biireysay uu kuu qoray waxaad cuni laheyd ebid intad nooshahay.
Ogoow halkii eray ee macaan aad lamaanahaaga ku dhahdo malyuumaad lacag ah wuu ka qaalisanyahay wuuna ka waxyeeleyn ogyahay, dumarka qaarkii waa lacag halka dumarka qaarkii aay yihiin eray macaan, balse akhristoow adiga keebaa tahay Lacag Ama Eray Macaan, waxan kaloo akhristayaasha u deynayaa in aay halka hosoe fikradooda kabixiyaan oo aay kajawaabaan madhici kartaa in qofka Lacag Iyo Eray Macaani uu isku jeclaado midna uusan u go’in.
Ma ogtahay nolosha aad u raadisay dibada ama sarar dhaadheer ama nolol heersareyso iney kamacaan badan tahay nolol aad kudhex qaadato tuulo faqri ah balse xiliyada qaar aad lamaanaha u wado baliyada iyo meelaha dooga ah ee tuuladaasi leedahay, runtii dhalinyaro qaar baa qof ku jeclaanayo dibad taasi xiligaan waxey sababtay in qof walbo oo dibadaha joogo uu kaqaado buufis qofka africa joogo.
Ma ogtahay jaceylka inuu ku macaan badanyahay meelkasto, ma ogtahay dibadahaan xiliyadaan danbe somalidii buufis ba’an aay u qaadeen in aay ka qurux badantahay kana nolol macaan badantahay tuulada ugu yar ee somalia ku taallo.
Dardaaarankeyga ugu danbeeyo wuxuu yahay jaceylka isma badalin ee dhalinyarooy anagaa is badal nee nolosha macaanteeda qofkii rabo ha iska daayo beenta oo daacad ha unoqdo qofkii aay is caashaqeyn taasi ayaa sababto nolosha ugu macaan ee dunida in lawadaago, mise waxaa dooneysaa nolol macaanteeda adoo helin in aad aduunka katagto sida marba qof aad lacag ugu raaceysid waqtiga kugu dhamaado.
Maqaalka yuusan ila fogaan maahan wax qormo lagu soo koobi karo waxaan kahadlayo balse qof walbo oo nolosha macaanteeda rabaahi waxey ku jirtaa in uu lamaanihiisa daacad u noqdo qanciyana had & jeer.
W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at