Dhibaatooyinka la xiriira biyo-baxa waxaa ka mid ah:
1- Biyo-bax la'aan
Waa marka qanjirka prostate-ka iyo marinnaha manida ay soo tuuri waayaan biyaha.
Biyo-bax la'aanta runta ah saameyn kuma laha dareenka galmada.
Biyo-bax la'aanta waxaa keeni karo:
- Dhaawac gaaray lafdhbarta (xangullaha)
- Dhaawac gaaray dabaqanaanta
- Qalliinnada qaar sida (Colorectal surgery [qalliinka mindhicirka iyo maroorka] iyo Aortoiliac surgery [qalliinka garwadnaha])
- Cudurka xasuus lumiyaha ee parkinson
- Sonkorowga dhalinyarada (Juveline Diabetes)

2- Shahwo la'aan
Waa awood la'aanta in qofku shahwada dareemo (dareenka biyo-baxa oo maqan), waxyaabaha keenana badankood waa dhibaatooyin nafsaani ah (Psychological) sida fakirka iyo welwelka xilliga galmada.
3- Daahidda biyo-baxa
Daahidda biyo-baxa waxay ka timaadaa dhibaatooyin kala duwan waxaana ka mid ah:
- Dhaawac lafdhabarta ah
- Dhaawac Malabyarowga ah (dhaawac neerfo)
- Daawooyinka dhiigkarka, waallida iyo niyad-jabka (diiqada)
4- Dib u noqoshada biyaha
Waa in biyaha dib ugu laabtaan kaadi heesta meeshii laga rabay in horay u soo raacaan ibta Malabyarowga.
Waxaana keeni karo waxyaabahaan soo socda:
Waxyaabaha keeno biyo-bax la'aanta ee kor ku xusan
- Ibta kaadida oo xiran ama ciriiri ah
- Afka kaadiheysta oo dabacsan ama iin leh
- Qalliinka saarista qanjirka prostate-ka
5- Biyo-bax daciif ah
Waa tabardarri la xiriirta biyo-baxa oo sidii la rabay qofku u tuuri karin, waxaana keena isla dhibaatooyinka biyo bax-la'aanta kor ku xusan iyo ciriiriyowga ibta.
Tani saameyn weyn kuma laha uureynta iyo bacriminta ugxantaba.
6- Biyo-bax degdeg ah
Waa awood la'aan in qofku sii heyn kari waayo biyaha.
Tani waxay la xiriirta kacsi la'aanta iyo hawlgabka kacsiga waxaana uga hadlay qoraal gooni ah.
7- Biyo-bax xanuun leh
Waa in qofku dareemo xanuun xilliga biyo-baxa.
Tani waa mid la kasbado oo mid qofku ku dhasho maahan, waxayna ka imaataa in marinka biyaha uu xirmo taas oo ka dhalato caabuqa prostate-ka iyo caabuqa ibta.
Dhibaatooyinka aan kor ku soo xusay waxay la xiriiri karaan waxyaabahaan soo socda:
- Sonkorowga
- Xanuunnada neerfaha
- Shilalka
- Caabuqa saxaaxa iyo kaadi mareenka
- Qalliin hore.
Daaweynta dhibaatooyinkaan waxay ku xirantahay da'da lamaanaha iyo nooca dhibaatadiisa.
Waxaa muhiim ah in la daaweeyo waxyaabaha keeno dhibaatooyinkaan tusaale ahaan cudurrada sonkorowga iyo dhibaatooyinka prostate-ka.
Waxaa kaloo jira daawooyin gaar ah oo la isticmaalo waxaana kula talin lahaa qofkii ka cabanayo mid ka ah dhibaatooyinkaan in uu la xiriiro dhakhtar ku taqasusay arrimahaan si daryeel dhameestiran u helo (haddii talo, daawo ama qalliinba tahay).
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 11:30 and have
, Published at