Haddii Tilmaamahaan Lagaa Helo Wa Hubaal Indhaha Ninkaada Meel Kale Ma Soo Qabanayaan.

Haddii Tilmaamahaan Lagaa Helo Wa Hubaal Indhaha Ninkaada Meel Kale Ma Soo Qabanayaan.

daajis.com:-1- Ilaalinta muuqaalkaada : marka aad guriga joogto ku soo muuqo muuqaal kan ugu qurxoon taasi waxa ay farxad gilineysaa indhihiisa iyo qalbigiisa.

2- Ku soo dhaweey dhoola cadeyn marka uu shaqada ka soo laabto.
3- Ku adeec wax waliba oo aan ka aheyn macsida Alle SWT
4- Codkaada kor ha u qaadin oo marka aad wax ka doodeysaan si degan oo caqliyaysan u adeegso.
5- Ku wanaagsanoow Jikidda(kushiinka)
6- Lahoow hab wanaagsan oo aad wax ku dabirto kuna maamusho howlaha guriga .
7-Maqalsii hadal macaan marka uu caroodo(xanaaqo) , kuna daji sabar una noqo qof naxariis badan.


8- Ha faafin sirta guriga xittaa dadka kugu dhaw.
9- Lahoow Caqli fog , dareemo fog iyo hab dhaqan wanaagsan.
10- Noqo qof ku tilmaaman raali aahansho iyo qanacsanaan taasi micnaheedu waxa uu yahay(alcarabiya.com) in aad ku qanacdo waxa uu kuu keeno wax yar ama wax badan.

11- In aad ku taageerto in uu baari u noqdo ehelkiisa isla markaana jeceleysii xariirinta qaraabada.
12- In aad dhageysato waxa uu ku leeyahay isla markaana aad siiso ihtimaam hana ka mashquulin marka uu kula hadlayo .

13- In aad howsha guriga iyo daryeelka caruurta u qabato qaab mas`uuliyadeed oo buuxda.
14- In aad yeelato hab dadka kale kula tacaamusho , ogoow inta badan dhibaatooyinka qoyska waxa ay ka biloowdaan hooyada odayga waxaana sabab u ah xaaska oo aan laheyn farsamo dadka kale ay kula tacaamusho.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 12:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada