Haweenay Ninkeeda ku Nacday Hal Arin +Sheeko Aad U Qosol Badan”

Haweenay Ninkeeda ku Nacday Hal Arin +Sheeko Aad U Qosol Badan”

daajis.com:- Adduunyadan aanu ku noolnahay wax kasta oo la-yaab leh ayaa ka dhaca, maalin walbana waxaad arkaysaa ama maqlaysaa wax kaa yaabiya.
La-yaab ma’ aha in Lamaane wada nool ay soo af-jaraan jaceylkooga, samirna ka qaataan wanaag iyo xumaan wixii ay ku wada noolaayeen, laakiin labo walba oo isla nool waxay leeyihiin dabeecado u gaar ah oo ay ceebtooda ku asturtaan.
Warkii iigu yaabka badnaa marka ay joogto arrimaha qoyska ayaa maanta iisoo yeedhay, kadib markii Wargeys ka soo baxa dalkan Koonfur Afrika uu qoray lamaane muddo Jaceyl iyo farxad ku wada noolaa oo si lama filaan ah ku kala tageen.

Iyadoo dalkan South Africa lagu jiro xilligii qaboobaha ayaa Wargeysku wuxuu qoray in maalmahan ay soo badanayeen Lamaanaha kala tagaya ama is-furaya, sababo la xidhiidha qabowga xad-dhaafka ah ee maalmahan dalka ka jira, waxaase ugu yaab badnayd markii Joseph iyo mss Fransisco oo u dhashay dalkan Koonfur Afrika isla-markaana ahaa Lamaane is-qaba ay isku dagaaleen “Ha igu neefsan iyo xaggeen kaa tagaa!!”.

Fransisco ayaa la sheegay in ay Police-ka garaacday xilli saq dhexe ah habeenimadii Arbacada ahayd ee la soo dhaafay, kadib markii iyada iyo saygeedu ay isku mari waayeen “Neeftaada dhinac iiga jeedi iyo meel aan geeyo ma hayo”.

Fransisco ayaa markii ay Police-ku soo gaadheen gurigeeda waxey u sheegtay in aysan la noolaan karin mr Joseph, maadaama sida ay sheegtay uu aad u neef weynyahay.

Police-ka ayaa Joseph waydiiyay waxa ka jira eedeynta ay xaaskiisu dusha ka dhigtay, wuxuuna Joseph sheegaay in xilligan oo uu jiro qabowgii ugu darnaa ay dantu ku kalliftay in uu qabowga kaga gabado xaaskiisa oo uu laabta ka galo isagoo kulayl ka raadinaya.

Dacwaddan oo ahayd mid la-yaab leh ayaa waxaa loo gudbiyay Maxkamaad ku taalla magaalada Johannesburg, waxayna maxkamaaddu xukuntay in Mr Joseph uu furo Mss Fransisco oo ay muddo is-qabeen.

Xukunkaas ayaa wuxuu la-yaab ku noqday dad fara-badan oo ku nool dalkan Koonfur Afrika, iyadoo Rag badan oo South African ah ay ka cabanayaan awoodda sharciga dalkani uu siinayo Dumaarka

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 11:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada