Haweeneey guriga ugu carartay galmda xad-dhaafka ee Saygeeda

Haweeneey guriga ugu carartay galmda xad-dhaafka ee Saygeeda

daajis.com:-Haddii aad maqli jirtay haween raggooda uga cararo galmo la`aan, waxaa haatan la arkay afo nkinkeeda uga carartay sariir-ku-daalis. Sida ay ku soo warramayaan qalabka warbaahinta adduunka, waxaa dhacdo la yaab leh ka dhacday saldhig Boolis oo ku yaalo Bulenga Nigeeriya kolkii halkaasi ay timid naag baryeeyso in loo naxariisto, saygeedana kula doodayso inuu u oggolaado inay gurigiisa asaga tagto.

Ruth Nakyeyune oo si aan la aamusin karin u ooynaysay ay ka bariday saygeeda `Nigeeriyaanka` ah, kuna hadlo Afka Luganda, laguna magacaabo, Suldaan Cali Baaba oo ku nool Nakuwade Bulenga, Waddada Mityana inuu iscafiyo, kuna kala tagaan si saaxiibtinimo ah.

Nakyeyune sidoo kale waxay tiri, `Cali waa nin aan sabar iyo tixgelin midnaba lahaynin, marnabana aan maya qaadanin kolka arrintu ay galmo ku saabsan tahay.

Waxay tiri: Mar kastoo ay xanuunsan tahay amase aysan awoodin inay jacayl la samayso, waa ku xumeeyaa, asagoo diido inuu la hadlo. Waxay intaa raacisay, ayaamahaan dambe, wax masruuf ah nama siinaynin, waayo ma awoodin inaan la seexdo.

Si kastaaba ha ahaatee, Suldaan wuxuu sheekada u rogay dhan kale, asagoo leh, Afadayda waa i khiyaanaysaa, weligeedna sariirta iguma dharjinin. Waa eedayn gogol dhaaf.

Wuxuu intaas sii raaciyay: Mar kastaaba, waxay heshaa marmarsiinyo (excuse) marna waxay ku cagajuglaysay inay isdilayso. Wuxuu sheegay inuu wanaagsan yahay, sida ragga badankiisna uusan khamriga cabin, lana yaaban yahay sababta afadiisa ay u qancin la`dahay.

Wuxuu Nkeyeyune weyddiiyay sababta ay guriga waalidiinteeda uga soo tagtay haddii aysan sariirta ku qancin karin ama eeddayaasheed aysan u soo tababarin waajibaadka guurka.

Mid saaxiibadiisa ka mid ah oo la hadlay wariyaha wargayska The Vision oo ah isha qoraalkaan, wuxuu yiri: Ninkaan waxaa la siiyay wax saa`id ah (over endowed) xaasaskiisii horoo idil waxay uga carareen isla sababtaan.

Goobjooge yaabban wuxuu sheegay: Waxaasoo idil waa eedaymo ninka ka dhan ah, waxay ka baqaysaa awooddiisa (prowess) ma ahan naagtii ugu hooraysay oo ka soo ashtakoota.

Suldaan wuxuu afadiisa ka baryay inay la joogto carruurta dartood. Hase yeeshee waa ka diiday.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada