La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay

La Yaab: Nin madaxa Biskoolad isaga dhuftay xili uu Sawiro Selfie iska qaadayay

daajis.com:- Ninkaan oo kasoo jeeda magaalada Washington, ayaa si kedis ah oo kama’ ah madaxa xabad isaga dhuftay, xili uu Sawiro Selfie ah isaga qaaday Biskoolad uu lahaa.

Ninkaan ayaa isaga iyo gacalisadiisa waxay sawiro dhowr ah isaga qaadayeen Biskoolad, balse ninkaan oo aan rasaasta ka saarin Biskoolada ayaa asigoon filaneen madaxa iska saaray si uu sawir isaga qaado, waxaana dhacday inuu madaxa Xabad isaga dhufto, sidaasna ku geeriyoodo.


Gacalisada ninkaan oo warbaahinta lahadashay, ayaa sheegtay in iyada iyo Saaxiibkeed ay saacado badan sawiro Selfie ah isaga qaadayeen Biskoolada.
Ninkaan oo magaciisa lagu sheegay Clark, ayaa la sheegay inuu Biskoolada ku hilmaamay hal mir oo rasaas ah, taasoo sabab u noqotay inuu aduunka macsalaameeyo.



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada