Madaxda Shirkada SOMA OIL ee heshiiska kula jirta dowladda oo lala xiriiriyay Alshabaab: Document

Madaxda Shirkada SOMA OIL ee heshiiska kula jirta dowladda oo lala xiriiriyay Alshabaab: Document

daajis.com:- Guddiga Qaramada Midoobay ee la-socodka  Cunaqabateynta dalalka Soomaaliya iyo Eritereya ayaa dalalka UK iyo NORWAY ka codsaday inay xog ka siiyaan xiriirka isgaarsiinta iyo bangiyada mas’uuliyiin sar-sare oo ka tirsan Shirkada SOMA OIL oo la baarayo inay xiriir toos ah la leedahay  kooxda Al Shabaab iyo inkale.

Shirkadda SOMA OIL oo sanadkii 2013 heshiis ula gashay Dowlada Federaalka dhanka sahminta batroolka iyo macdanta Soomaaliya ayaa sanadkii lasoo dhaafay lagu eedeeyey warbixin kasoo baxday Qaramada Midoobay oo lagu sheegay in shirkadaasi ay laluush ku siisay Dowlada Federaalka dhinaca heshiisyada mashruuca batroolka, isla markaana la sheegay in Dowlada UK ay wax ka ogeyd arrimahan. Shirkadda iyo dowladda Soomaaliya ayaa beenisay arrintaasi iyagoo sheegay inay ahayd taageero farsamo oo caadi ah.

Madaxa Sare ee shirkada SOMA OIL  Michael Howard oo ka tirsanaan jiray Baarlamaanka Ingiriiska ayaa hore usoo noqday Madaxa xisbiga talada haya ee Conservative Party. Waxaana weli ku socda baaritaan uu wado xafiiska la dagaalanka musuqmaasuqa ee UK ee  Serious Fraud Office (SFO).

Warar dheeraad ah ayaa hadda kasoo baxay madaxda ka ah Shirkada SOMA OIL oo  la sheegay in la helay xoog muujineysa in uu jiro xiriir laga shaki qabo oo ay la leeyihiin kooxda AL Shabaab oo guddiga ay baaritaan ku sameeyeen suuragalnimada xiriir uu Alshabaab la lahaa.

Guddiga Qaramada Midoobay ayaa qoraal bishii lasoo dhaafay ay u direen Dowladaha UK iyo NORWAY ka codsadeen inay kala shaqeeyaan baaritaanka lagu wado qaar kamid ah madaxda Shirkada SOMA OIL.

Qoraal aan weli la shaacin oo Guddiga Qaramada Midoobay todobaadkan saxaafada u dusiyeen ayaa sheegeysa in ninka lagu magacaabo Hassan Khaire oo ah Soomaali kamida saamileyda shirkada SOMA OIL, isla markaana ah madaxa shirkadaasi ee xafiiskooda AFRIKA, ninkan ayaa heysta basaboor dalka Norway ah aya baaritaanku saameeyay.

Warqada oo loo diray 7 February 2016 Safiirada UK iyo Norway u fadhiya Qaramada Midoobay inay jawaab kasoo bixiyaan codsiga ka yimid Guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya. Waxaa jirta xog la xariirta isgaarsiinta uu isticmaali jiray Hassan Khaire oo la sheegay inay muujineyso inuu jiro xiriir laga shaki qabo uu la lahaa kooxda argagaxisada ah ee Al Shabaab iyo kooxo kale.

Guddiga Q/Midoobay ayaa sheegay inay Hassan Khaire ka codsadeen inuu usoo gudbiyo diiwaanka iyo xogta bankiyadiisa si loo eego dhaqdhaqaaqa lacagtiisa balse waa uu diiday Hassan Khaire inuu xogtaasi bixiyo.

Dowlada Norway oo uu baasaboorkeeda heysto Hassan Khaire ayaa laga codsaday inay usoo gudbiso xogta ninkan ee bangiyadiisa iyo canshuurta uu bixiyo si baaritaanka socda loo dhameystiro.

Guddiga Q/Midoobay ee la -socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Ereteriya ayaa ah guddi muran badan hareeyay oo warbixinadooda intooda badan lagu tilmaamo kuwo hal dhinac ah oo mar waliba hortaagan in Soomaaliya ay ka baxdo xaalada ay ku jirto.

WARBIXINTA OO AF-INGIRIIS AH KHRISO:Somalia-amp-Eritrea-Monitoring-Group

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:03 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada