Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 60 dagaalyahano ka tirsan Boko Haram

Milateriga Nigeria oo sheegay inay dileen 60 dagaalyahano ka tirsan Boko Haram

daajis.com:- Milateriga dalka Nigeria ayaa sheegay inay dileen illaa 60 dagaalyahano ka tirsan Kooxda Boko Haram, kadib markii howl gal ay ka fuliyeen waqooyiga bari dalkaas.

Howl galka ayaa waxaa ka qeyb qaadanayay diyaarado dagaal oo ciidamada cirka Nigeria ay ku taageerayaan kuwa dhulka ee howl galka ka waday deegaanada howdka.

Afhayeenka Milateriga Nigeria Col. Sani Usman ayaa sheegay in howl galkan lagu soo bad baadiyay illaa 120 ruux afduub loo heystay, halka labo qof kale la soo qabtay.

Col. Sani Usman ayaa sheegay in dadka la soo bad baadiyay ay ku jirtay haweeney umushay daqiiqado ka hor in aan la soo samata bixin.

Waxaa uu sheegay inay howl gal ka dhan ah Boko Haram ka wadaan meelaha ay ku dhuuntaan ee ku dhow tuulooyinka waqooyi bari Nigeria.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay, hub, saanad, gaadiid iyo qalab ay isticmaalayeen Kooxda Boko Haram.

Kooxda Boko Haram ayaa ku xoogan waqooyi bari Nigeria, halkaasoo ay weerar dad badan ku dhinteen ka geysteen, waxaana ay afduubteen boqolaal ruux.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:52 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada