MUUQAAL: Xiisada dagaal ee Xeebaha P/land Iyo Magacyada Horjoogayaasha Ciidanka Al-shabaab

MUUQAAL: Xiisada dagaal ee Xeebaha P/land Iyo Magacyada Horjoogayaasha Ciidanka Al-shabaab

daajis.com:- Waxaa soo baxaaya warar dheeraad ah oo la xiriira Duulaanka ay Ciidamo katirsan Al-shabaab kusoo qaadeen deegaanada xeebaha Puntland ee gobollada Nugaal iyo Mudug, Waxaana Maleeshiyaadkaasi hogaaminaya Saraakiil laga rusqeeyay Milliteriga iyo Booliska Puntland kuwaasi oo qaarkood dhabaha u xaaraya Maleeshiyaadka qabsaday deegaanada xeebaha Puntland ee gobollada Nugaal iyo Mudug, halka qaarkoodna ay yihiin kuwo iyaga la socda.



Waxaanu Halkan idiinku soo gudbinaynaa Magacyada Horjoogayaasha kasoo jeeda deegaanada Puntland ee Hogaaminaaya maleeshiyaadka iminka heysta deegaanada xeebaha Puntland ee gobollada Nugaal iyo Mudug waxaana kamid ah:

1-Horjooge Siciid Karatee oo kasoo jeeda Majeerteen, Maxamuud Saleebaan, Ciise Maxamuud.

2-Horjooge Cadowyo Qowtalax oo kasoo jeeda Majeerteen, Cumar Maxamuud.

3- Horjooge Ilqayte oo kasoo jeeda Majeerteen, Cumar Maxamuud.

4-Horjooge Xassan Takar oo kasoo jeeda Daarood, Leelkase, oo ka imaaday dhanka Qurbaha, waxaana jiray wiil uu isagu dhalay oo ka tirsanaa argagixisada Alshabab oo Puntland toogatay wkhtigii xukuumaddii Madaxweyne C/raxmaan Faroole.

5- Jaamac Cabdi Salaan oo kasoo jeeda Majeerteen, Cumar Maxamuud.

Dhanka kale, waxaa jira xubno kale oo ka tirsan maleeshiyada kana soo jeeda deegaanada Puntland kuwaasi oo horkacaayo maleeshiyada, waxa uuna ula kacoodu yahay inay qabsadaan dhammaan deegaanada ku xeen-daaban xeebaha Puntland.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 02:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada