Sawiro: Booliska Mareeykanka oo toogtay wiil Soomaali-Kenyan ah

Sawiro: Booliska Mareeykanka oo toogtay wiil Soomaali-Kenyan ah

daajis.com:- Boliska magaalladda Salt Lake City ee Gobalka Utah ee Galbeedka dalka Maraykanka  ayaa la sheegay inay habeen hore toogteen Wiil Somali-Kenyan lagu magacaabo Cabdi Maxamed oo 17-jir, kaasi oo ay Boliska sheegeen inuu ka dhega adeegay amar ku aadanaa inuu iska dhigo Bir Fiiqan oo uu kula dagaalamayey Nin kale.

Cabdi Maxamed ayaa la sheegay inuu haatan ku sugan yahay xaallad khatar ah, kadib, markii uu mid ka mid ah Saraakiisha Boliska ku dhuftay 4 xabbadood.

Wargeyska The Washington Post ayaa qoray inay Boliska faragelin ku sameeyeen dagaal ay Dhibanaha oo uu wehliyey nin kale ay ku dagaalamayeen qof saddexaad.

Toogashadda kadib, waxaa halkaasi ka dhacay Dibadbax rabshado wadatay oo looga soo horjoogo falka lagu toogtay wiilkaasi.
Dhinaca kale, Duqa magaalladda Salt Lake City, Jackie Biskupski ayaa soo saaray Hadal qoraal oo uu ku sheegay in toogashadda lala beegsanayo qof kasta oo ku lug yeeha waxa uu ugu yeero masiibo.

Si kastaba ha ahaatee, Toogashadaasi ayaa ah tii saddexaad ee ay Ciiddanka hub u adeegsadeen tan iyo bishii hore.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada