Xaaska Abu Bakar al-Baghdadi oo baxsad ah & Ciidamo laga daba diray

Xaaska Abu Bakar al-Baghdadi oo baxsad ah & Ciidamo laga daba diray

daajis.com:- Diane Kruger, oo ah marwada u dhaxda hogaamiyaha Daacish Abu Bakar al-Baghdadi, ayaa lagu soo waramayaa ineey ka dhuumatay oo ay hada baxsad tahay.

Wargeyska Daily Mirror oo soo xiganaya qaar kamid ah warbaahinta Iraq, ayaa saakay daabacay, in Xaaska hogaamiyaha Daacish ay baxsad tahay, islamarkaasina laga daba diray ineey soo qabtaan ciidamo daacad u ah hogaamiyaha.

Gabadhan oo u dhalatay dalka Jarmalka, ayaa sidoo kale waxay wararka sheegayaa ineey horay u salfatay 2 dumar ah oo kale.

Abu-Bakr-al-BaghdadiDiane Kruger, oo ah gabar aad u da’ yar, ayaa guursatay Hogaamiyaha Daacish sanadkii lasoo dhaafay, waxaana hada ku raad jooga ineey dib usoo celiyaan ciidamo lagu kalsoonyahay oo daacad u ah al-Baghdadi, sida warbixinta lagu xusay.
Lama oga sababta ay uga baxsatay Diane Kruger saygeeda al-Baghdadi, balse waxaa jirtay in ururka Daacish uu maalmahaan dhul balaaran dhumiyay, islamarkaasina cadaadis xoogan uu kasoo fuulay diyaaradaha reer galbeedka iyo ciidamada Ciraaq iyo kuwa Kurdiyiinta.

Sida ay daabacday jariirada Jerusalem Post, al-Baghdadi iyo Diane Kruger ayaa is guursaday Bishii October sanadkii aan soo dhaafnay 2015.

Sidoo kale Jariiradan ayaa daabacday, in Diane ay madax u ahayd guuto lagu magacaabo Al-Khansa.

Sidoo kale qaar kamid ah warbaahinta IRAQ, ayaa xusay in Diane Kruger ay madax ka ahayd xaruun Dumarka lagu baro is qarxinta oo ku taal magaalada Kirkuuk.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada