Daawo Sawirada:- Haweeney Cunug yar ay dishay Madaxiisa lasoo dhax martay Wadooyinka magaalada Moskow (VIDEO)

Daawo Sawirada:- Haweeney Cunug yar ay dishay Madaxiisa lasoo dhax martay Wadooyinka magaalada Moskow (VIDEO)

daajis.com:- Ciidamada booliiska Ruushka ayaa magaalada Moskow waxa ay ku xireen haweeney Madaxa cunug yar ay soo goysay la mareysa Goob tareenada laga raaco oo kutaala magaalada Moskow.

Muuqaal lagu baahiyay Baraha Internetka ayaa muujinaya haweeneydan oo wilfineysa madaxa cunuga yar ay gacanta ku wadatay, waxa ayna lasoo dhax martay goob laga raaco tareenada.

Ciidamada booliiska ayaa baaraya haweeneydan la rumeesan yahay in ay dishay cunugan ay madaxiisa wadatay, waxaana la baarayaa in maskaxda looga jiray iyo in kale.

Haweeneyda Cunuga yar surka ka jartay ayaa ka tagtay qaarada Aasiya, waxa ayna ka shaqeeneysay guriga reerka ay cunuga yar ka dishay madaxiisana ay magaalada lasoo aaday.

Booliiska ayaa sheegay sidoo kale in haweeneydan kahor inta aysan kasoo tagin guriga ay ka shaqeeneysan in ay dab qabadsisay qeybo kamid ah gurigaasi oo kuyaal waqooyiga magaalada Moskow.

Meykda Cunuga yar ee madaxa laga jaray ayaa markii dambe laga helay dhismaha Guriga ay dagnaayeen reerka dhalay cunugaasi, dhacdadan ayaana noqotay mid aad looga argagay si weyna looga hadal hayo magaalada Moskow.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:02 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada