Daawo Sawirada:- Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Amisom oo kulan degdeg ah ka yeeshay amaanka Gobolka..

Daawo Sawirada:- Saraakiisha Dowlada iyo kuwa Amisom oo kulan degdeg ah ka yeeshay amaanka Gobolka..

daajis.com:- Weeraradii ismiidaaminta ahaa ee ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo ayaa waxa ay soo dada jiyeen kulan degdeg ah oo ay yeeshaan Saraakiisha Amisom ka joogta magaalada Beledweyne iyo kuwa Dowlada ee halkaasi ka howlgala.

Kulanka ayaa waxa ay Saraakiisha uga hadlayeen amaanka Gobolka Hiiraan iyo sida lagu xaqiijin lahaa Howlgalada ay Ciidamada wada jirka ah ku baacsanayaan Kooxda Alshabaab.

Kulanka oo ahaa mid balaaran ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa mas'uuliyiinta maamulka gobolka iyo kuwa degmooyinka kuwaasi oo Saraakiisha u tilmaamaayay dol doleelada amni daro.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alla oo ah Taliyaha Qaybta Booliiska Magaalada Beledweyne oo kulanka kadib la hadlay Saxaafada ayaa sheegay in kulanka uu ahaa mid looga tashanaayay amaanka Gobolka Hiiraan waxa uuna sheegay in Saraakiisha iyo Maamulka ay isla gaaren in la xaqiijiyo amaanka si looga hortago weerarada ay alshabaab ku qaadayaan Xarumaha Dowlada iyo kuwa Amisom.

Mahad-Alla waxa uu xusay in kulanka xooga lagu saaray in lala socdo dhaqdhaqaaqa ka jira deegaanada maamulka islamarkaana la kordhiyo Howlgalada looga hortagaayo alshabaab.
Kulanka kadib ayaa waxaa inta badan goobaha muhiimka ah la dhigay Ciidamo farabadan oo la sheegay inay adkeynayaan amaanka xarumaha maamulka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:49 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada