Aduun howli kama
dhamaato ismaan dhaaf bini’aadamna waa wax soo jireen ah, cilmiga iyo
garashaduna waa furaha guusha aduun iyo aakhiro, waqtiba waqtiga ka
danbeeya waxaa sii kordha cilmi lagu ogaado wax aan waayadii hore aqoon
baaxad weyn loo lahayn taasina waa waxa lagu kala bixi karo marka la
isku qabto arin ka mida arimaha bulshooyinka soo kala dhex gala.
Aan u soo daadego
qormadaan jeclahay inan diirada saaro. maanta gabdho badan waxaa loogu
gafay sharaftoodiina meel looga dhacay Bikro ma ahayn! Maxaa lagu gartaa
bikranimada su,aal ah ayaa iman karta,noocyo iyo qaabab kala duwan ayay
leedahay Bikradu noocyadaa waxaa ka mid nooc aan jabin xiliga dhalmada
maahee markale .waxaa kaloo jirta dhiiga la sheego inuu yimaado bikra
jabka dabadii uuna ahayn dhiig aad u badan oo la mida neef la gowracay,
wuxuu noqon karaa dhibic 2 dhibcood iwm mararka qaarn maba
yimaado,.hadii dhiigaii aan la arag ma waxaa la oranayaa gabadhaasi
Bikro ma ahayn? caadooyinka xun xun ee dadkeena dhaqanka u noqday waxaa
ka mida in shaki la galiyo sharaftii gabadhaa cafiifada ah ee dhowrsoon
iyadoo loo daliishanayo khuraafaad iyo hadalo mala awaal lagu dhisay.
xaqiiqdii dhabta ahaydna aan raad ku lahayn.
Gabadh walba oo
sharafteeda lagu tuntay waxaan leeyahay walal sharaftaada difaaco hana
ka yeelin qofna inuu sharaftaada wasaqeeyo waa hadaaad is hubto, ka
dhiidhi gefkaa weyn ee laguu gaystay waa adiga mida xaqiijin karta
arinkaa ee maaha ninka ku guursaday iyo bulshada kale toona waxaa nasiib
wanaag ah in maanta la gaaray horumar dhan walba ah horumarkaa waxaa ka
mida in gabadha sharafteeda la wasaqeeyay hadii Dhaqtar la geeyo lana
baadho la ogaan karo inay dhab tahay arintaa looga shakiyay ama in lagu
been abuuranayo.
_______________________________________________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 19:30 and have
