Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in Cunno-qabateynta Hubka laga Qaado Soomaaliya

Ururka Jaamacadda Carabta oo ku baaqay in Cunno-qabateynta Hubka laga Qaado Soomaaliya

daajis.com:- Wasiirrada Arrimaha Dibadda Jaamacadda Carabta ayaa ku baaqay in cunno-qabateynta hubka laga Somalia, waxayna soo dhaweeyeen hormarka amni, dhaqaale iyo siyaasadeed ee ay Somalia ku tallaabsatay.

Wasiirrada waxay kulankoodii 145-aad isku raacen in la sii wado dadaalada lagu taageerayo Somalia, iyagoo ku baaqay in laga taageero doorashada la filayo inay ka dhacdo Somalia sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, golaha wasiirrada Carabta ayaa isku raacay in la fuliyo Qaraarkii kasoo baxay fadhigii Jaamacadda Carabta ee ka dhacay Magaalada Sharma sheekh sanadkii hore ee  2016-ka, kaasoo Soomaaliya loogu taageeray 10-milion oo Doollar, looguna qoondeeyo qaab bille ah, si miisaaniyadda dalka loogu kabo.
“Waxaan ugu baaqaynaa Golaha Ammaanka ee QM inay cunno-qabateynta hubka ka qaadaan Somalia, si ay u suuro-gasho in ciidamada Somalia dib loo dhiso,” ayay ku yiraahdeen warbixin ay kasoo saareen shirkooda.

Ugu dambeyn, Bayaanka kasoo baxay kulank Golaha Wasiirrada Arrimaha Dibadda Carabta ayaa waxay ku baaqeen in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay Somalia si ay u hesho taageerada Caalamiga ah ee la Siinayo.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 20:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada