Dalalka Bariga Africa oo sameystay baasaboor cusub oo ay Soomaaliya ku jirin

Dalalka Bariga Africa oo sameystay baasaboor cusub oo ay Soomaaliya ku jirin

daajis.com:- Ururka la magac baxay Bulshada Bariga Africa ayaa sameystay baasaboor cusub oo mideynaya qaar ka mid ah dalalka dhaca Bariga Africa, hase yeeshee waxaanan ku jirin oo laga qadiyey dalka Soomaaliya.
Kulan ay todobaadki lasoo dhaafay ku yeesheen magaalada Arusha ee dalka Tanzania ayey xubnaha ururkan oo loo soo gaabiyo (EAC) xooga ku saareen laba qodob oo ay u arkeen inay muhiin ahaayeen, kuwaas oo kala ah in dalka South Sudan si buuxdo loo siiyo xubinnimada ururka iyo in ururka uu yeesho baasaboor mid ah.

Muddo sanada ahba, ururka EAC gaar ahaan dadka kasoo jeeda dalalka Kenya, Rwanda, Uganda, Burundi iyo Tanzania waxay isugu safrayeen dokumiintiyo socdaal oo qaas ah oo mideysan taasoo u ogolaaneysay in si xuduud la,aan ah ay dadka isaga kala gooshaan gobolka.

Laakin baasaboorka cusub oo si rasmi ah ay dadka u qaadan doonaan bisha Janaayo ee sanadka 2017-ka ayaa si wanaagsan ugu ogolaan doona bulshada bariga Africa in ay is dhax galaan, sidoo kale waxa ay awoodi doonaan in ay aduunyada oo dhan ugu socdaali karaan caalamiyan.

Waxyaabaha u gaarka ah baasaboorkan ayaa ah inaanan la been abuuri karin oo waa mid elektaroonik ah, sidoo kale waxa uu wataa qalab u eg sida sim-card-ka telefoonada oo kale ah oo dhexda ugu jira baasaboorka kaasoo duubaya xuduudaha uu qofka wataa ka gudbo, taasina waxay u sahleysaa hey’adaha amaanka in ay su,aalo weydiiyaan hadi ay dadka wata laga shakiyo.

Ururka Bulshada Bariga Africa ayaa waxaa kale oo ay meel marin doonaan si dadka ay isu dhax galaan in qof walba oo qaata baasaboorkaasi uu si xor ah ugu noolaan karo dalka uu doono oo ka mid ah dalalka ku jiro ururkan.

Hase yeeshee Soomaaliya ayaanan ku jirin ururkaan, sababtoo ah waxa ay ka baqayaan dalalka ku mideysan kutladaan in hadii xiligaan ay kuso biirto Soomaaliya ay uga imaan karto qatar dhinaca amaanka ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada