Rabshado hareeyay isku soo bax uu Donald Trump u qabtay taageerayaashiisa (Sawirro)

Rabshado hareeyay isku soo bax uu Donald Trump u qabtay taageerayaashiisa (Sawirro)

daajis.com:- Ninka ugu cad cad Musharaxnimada Xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa baajiyay isu soo bax siyaasadeed oo uu ku qabtay magaalada Chicago, markii dibad baxayaal careysan ay ka banadeen isu soo baxaas inuu kula hadlo taageerayaashiisa.

Rabshado ayaa bilowday markii ay isku dhaceen taageerayaasha Mr Trump iyo dad careysan oo aad uga soo horjeeda hab dhaqankiisa.

Donald Trump ayaa u yeertay ciidamada ammaanka, si ay u kala eryaan dadka ka soo horjeeday ee rabshada bilaabay, waxaana markii ay qalalaasaha ay sii xoogeysteen ay dhacday in la baajiyo isu soo baxa.

Booliska ayaa rabshadaha u xiray illaa 32 ruux oo isugu jiray labada dhinac, taageerayaashiisa iyo dadkii ka soo horjeeday markii gacan la iskula tagay.

Musharaxa Donald Trump ayaa sii waday hadaladiisa ka dhanka ah Islaamka iyo dadka kale ee ka soo jeeda Latin America sida Mexico.

Musharaxan maalqabeenka ah ayaa iska fogeeyay eedeyn loo soo jeediyay oo ah inuu dhiira geliyo rabshadaha, maadaama hadalada uu jeediyo ay u badan yihiin kuwo naceyb iyo rabshado abuuri kara.
Wareysi uu dhowaan siiyay Telefishinka CNN ayaa wax laga weydiiyay khudbadiisii kol hore ee aheyd in Dadka Islaamka ah aan loo ogolaan inay Mareykanka soo galaan, waxaana uu difaacay hadalkiisa, isagoo ku sheegay in dadka Islaamka ay neceb yihiin Mareykanka.

Todobaadyadii u dambeeyay ayaa waxaa uu guulo ka soo hoyay Gobolo badan oo ku yaalla Mareykanka, waxaana aad loogu saadaalinayaa inuu noqonayo qofka ku soo bixi doona Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga.

Waa qalalaasihii u dambeeyay ee uu la kulmo Musharaxan inta uu ku guda jiro ololaha uu ku doonayo inuu ku noqday Musharaxa Madaxweynaha Mareykanka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada