Yuusuf Jimcaale “Gobol kasta amnigiisa ayuu sugtaa, annagana wax saameyn ah naguma yeelaneyso”

Yuusuf Jimcaale “Gobol kasta amnigiisa ayuu sugtaa, annagana wax saameyn ah naguma yeelaneyso”

daajis.com:- Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ka hadlay tallaabadii dhowaan Amniga Caasimada loogu wareejiyay maamulka gobolka, isagoo rajo ka muujiyay in iyagoo kaashanaya shacabka inay ku guuleysan karaan sugida amniga guud ee Caasimadda.

Isagoo ka hadlayay barnaamijka dooda jimacaha ee ka baxa Raadiyaha iyo Telefishinka Qaranka ayuu kaga hadlay qorshayaasha maamulkiisa uga degsan sugida gobolka, isagoo xusay in maamulkiisa ku cusub tahay in amniga ka shaqeeyaan, laguna soo wareejiyo.

“Barnaamijkan waa nagu cusub yahay, qorshaha inooga degsan waxa waaye, maadaama Caasimada tahay, meeshii Soomaali dhan fiirsaneysay ay tahay, hadey nabad noqotana ay ka turjumeyso in Soomaaliya oo dhan nabad noqotay, hadii nabad la’aan tahay dalka oo dhan ay ka turjumeyso in aanay nabad aheyn, ayaa waxaa dooneynaa inaa isugu tagno oo aan awoodeena isugu keeni inaan amniga ka shaqeyno, anagoo shacabka kaashanaya”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Mr Jimcaale ayaa sheegay in Amniga guud ee dalka ay ka mas’uul tahay Wasaaradda Amniga, ka maamul ahaana ay kula shaqeyn doonaan, isagoo xusay in sababta ugu weyn ee amniga lagu wareejiyay ay tahay in shacabka iyo hey’adaha inay isku xirmaan sida uu yiri.

“Cida ugu weyn ee amniga ka shaqeyneysa waa shacabka, innagana waxaa isku xireynaa shacabka iyo Hey’addaha ammaanka, Wasaaradda Amniga sideeda ayay u jirtaa, amniga si guud ah iyada mas’uul uga ah, ka maamul ahaan ayay nagula shaqeynayaan”ayuu yiri Yuusuf Xuseen Jimcaale.

Waxaa uu sheegay in sugida Amniga Gobolka Banaadir uu ka culus yahay gobolada kale, balse aanu wax saameyn gaar ah aysan ku yeelan doono, isagoo xusay inuu culeys imaanayo, maadaama ay tahay Caasimada Soomaaliya oo ay ku nool yihiin illaa 3-milyan oo ruux.
“Dalka waa Federaal, Nabadsugida qaranka iyo Booliska Qaranka waa heer Federaal, gobol kasta amnigiisa asigaa ayaa sugta, marka gobolada kale amnigooda suganaya ayaa ka mid noqoneynaa, wax saameyn gaar ah naguma yeelaneyso, culeys waa imaanaya, meesha gobol caadi ah ma ahan, waa Caasimada Soomaaliya, Soomaali oo dhan ayaa joogta, 3-milyan ayaa ku nool iyo barakacayaal fara badan, wuuna ka culus yahay gobolada kale, waxaa aad iyo aad u rajeyneynaa in annagoo kaashaneyno shacabka inaan ku guuleysano”ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho.

Dadka ka faalooda arrimaha ammaanka ayaa sheegaya in Mas’uuliyada amni ee lagu wareejiyay Gobolka Banaadir ay tahay mid muhiim ah, balse waxaa la is weydiinayaa sida uu ugu guuleysan karo sugida amniga Muqdisho, maadaama Hey’addihii ugu sareeyay dhinaca amniga ay ku guuldareysteen ka hortaga weerarada Al-Shabaab ka geysanayaan magaalada iyo falalka amni dari ee dhaca xilliyada qaar.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada