daajis.com:- Waxaa dhawaanahaan dalka Sweden Iyo Germany ay qorsheynayeen in ay dib u celiyaan dadka qaxootiga ah ee dalalkooda si xooga ah ugu soo qulqulaya, kuwaasi oo aan ku guuleysan dacwadoodii aheyd in ay kasoo carareen dalalkooda oo ay ka sheegteen dhibaatooyin daran oo ka jira halkaasi.
Dowladda Sweden ayaa waxaa la sheegaya in dib u celintaasi, ay kala kaashan doonto Hay’addo caalami ah oo ka shaqeeya howlahaasi, waxayna si gaar ah dib u celin ku sameyn doontaa dadka qaxootiga ee wadankaasi ka sameeyay qalalaaso rabshado dhaliya, sida kuwa ka qeyb qaatay arrimaha Daroogadda, Dilalka, iyo soo tahriibinta dadka, iyo waliba kuwa looga shaki qabo arrimaha argagixisada, waxaana lagu wadaa Ugu yaraan dad kor u dhaafaya 80,000 in dib loogu celiyo dalalkooda.
Dhinaca kale Dowladda Jarmalka ayaa bilaawday in ay dib u celiso qaar ka mid ah dad qaxooti ah, kuwaasi oo dalka Jarmalka ka heli waayay aqoonsi qaxootinimo, dadkaan dib loo celinayo qarashaadka ku baxaya waxaa gacan weyn ka geysanaya Hay’adda REAG/GARP return programme.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:00 and have
, Published at