Baladweyne: Masjid ay ku tukunayeen kooxda Takfiirka oo qarax lagu weeraray

Baladweyne: Masjid ay ku tukunayeen kooxda Takfiirka oo qarax lagu weeraray

daajis.com:- Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa ka dhacay masjid ku yaal magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaasi oo ka dhex dhacay gudaha masjidka uu sababay dhimashada labo qof iyo dhaawaca labo iyo toban kale.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, waxayna qaar sheegayaan in qaraxu ahaa mid gudaha masjidka lagu diyaariyay, halka qaar kale tilmaamayaan in qaraxu ahaa bam gacmeed lagu tuuray gudaha masjidka.

Masjidkaan ayaa la sheegay inuu gaar u ahaa koox diineedka Takfiirka oo dadka muslimiinta kale gaaleysiiya. Illaa iyo hadda lama oga cidda ka dambeysa qaraxan.
Ma jirto illaa iyo hadda wax war ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Hiiraan iyadoo weliba qaraxan uu ku soo beegmay xilli maamulka gobolka Hiiraan uu bilaabay in howlgalo lagu sugayo ammaanka magaalada Beledweyne.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 10:54 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada