daajis.com:- Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu bishaareeyay in caawa jab xooggan loo geystay kooxaha argagixisada Al-Shabaab ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose, isagoo sheegay in weerarkaasi ay fuliyeen ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo ciidamada taageera oo uusan magacaabin dalka ay kasoo jeedaan.
Madaxweynaha ayaa warkaanki ka sheegay xafadlad maamulka gobolka Banaadir soo qaban qaabiyay oo caawa ka dhacday Muqdisho, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay in weerarkaasi khasaare xoogan loogu geystay Al-Shabaab, saacadaha soo socdana ay shacabka maqli doonaan war ay ku farxaan.
Ilaa hadda warbixin lagama haayo weerarkaan deegaanka uu ka dhacay ee gobolka Shabeellaha Hoose, hase ahaatee wararkeena danbe ayaa idiin kugu soo gudbin doonaa haddii alle idmo.FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by , Published at 10:49 and have
