daajis.com:- Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan kuwa Itoobiya ee qeybta ka ah AMISOM ayaa la wareegeen degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeelaha Dhexe kadib muddo saddex maalmood ah oo ay ku soo siqayeen.
Ciidamada wada socda ayaa gudaha magaalada galeen iyadoo aan wax dagaal ahi ka dhicin, marka laga reebo jid-gooyo loo dhigay duleedka magaalada saaka, waxayna degeen banaanka magaalada iyagoo ka cabsi qaba in miinooyin lagu aasay gudaha degmada la kulmaan.
Dadka degaanka degmada Aadan Yabaal ayaa la sheegay inay intooda badan ka qaxeen degmada, waxaana ciidamada la socda guddoomiyaha degmada oo dibad joog ahaa.
Maxamed Muumin Climi oo loo yaqaan Saneey oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee howlgalkan hogaaminaayay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney la wareegeen degmada Aadan Yabaal. Waxaa uu sheegay in Ciidanka iskaashanaya ay Degmada ka mareen Labada dhinac islamarkaana ay sidaasi kula wareegeen degmada
Dhinaca kale ciidamo iyana Soomaali iyo Itoobiyaan ah oo ka soo dhaqaaqay degmada Ceelbuur ee gobolka Galguduud ayaa dhaq dhaqaaqo ka wada deegaanada dhinaca Xeebta gobolkaasi iyagoo ku soo wajahan dhul xeebeedka Ceel Dheer ilaa magaalada Cadalle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:40 and have
, Published at