Odayaal Soomaali ku nool Sweden oo ilaalo ka noqday Basaska

Odayaal Soomaali ku nool Sweden oo ilaalo ka noqday Basaska

daajis.com:- Dhowrkii Toddobaad ee la soo dhaafay Dhallinyarada Soomaalida ku nool magaalladda Borlänge ee dalka Sweden waxay joogto ka dhigteen inay dagaal la galaan Ilaaladda la socota Basaska ka shaqeeya magaalladaasi.

Shirkadda Dalatrafik ee leh Basaska waxay la kulmeen Ururka  Odayaasha Soomaalida ku nool Borlänge, waxayna isku af garteen inay Odayaasha la wareegaan Sugidda Ammaanka Basaska, iyadoo Ilaaladii hore shaqada laga eryay.

Odayaasha Soomaalida waxay Shirkada u soo bandhigeen in ay diyaar u yihiin in ay ka caawiyaan arimaha la xiriira dhalinyarada Soomaalida oo horey dhibaatooyin ugu geystay basaska, iyadoo 22 ka mid ah xubnaha ururka odayaasha bilaabeen in ay raacaan basaska ka shaqeeya Linje 3 si ay u sugaan ammaanka dadka rakaabka.


Bengt Benjaminsson oo ka tirsan Dalatrafik ayaa si weyn u soo dhaweeyay shaqada odoyaasha Soomaalida, isagoo sheegay in dhaqamada qaarkood ay fiican tahay in dhalinyarada si degan loola hadlo oo ay odayaasha xushmeeyaan.
Abdi Haji Abdullahi oo ah gudoomiyaha ururka odayaasha ayaa warbaahinta u sheegay in uu rajeynayo in dhalinyaradu ay dhagaysan doonaan odoyaasha.

Si kastaba ha ahaatee, Shirkada Dalatrafik ayaan  wax mushaar ah siin doonin Odayaasha, balse, taasi beddelkeeda waxaa laga bixinayaa Kiradda Xafiiska Ururka Odayaasha Soomaaliyeeed ee magaalladda  Borlänge iyo iyadoo Odayaasha lacag la’aan ku raaci karaan Basaska Shirkadda Dalatrafik.

Xigasho: Somaliska

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:25 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada