Daawo:- J. GABRA oo Faraya in Laqaado Qodabada Hishiika ee DF iyo Puntland

Daawo:- J. GABRA oo Faraya in Laqaado Qodabada Hishiika ee DF iyo Puntland

daajis.com:-  Inkastoo madasha lagu kala saxiixday Heshiiska DFS iyo Puntland ay goobjoog ka ahaayen Mas’uuliyiin ka kala socday jihooyin kala duwan ayaa waxaa hadana soo baxeysa in Ra’isul wasaare Cumar halkaasi ay ku heysatay cidlo.

Puntland ayaa garab ka heysatay wakiilada Beesha Caalamka ka joogay Garoowe, waxaana dhanka Dowlada Heshiiskaasi uga dhexmuuqday Ra’isul wasaaraha, halka Puntland ay garab ordayeen dhammaan wakiilada maadaama ay u jilicsan tahay Siyaasada Dowladaha kale.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa waxaa ku shamuumay dhammaan Xubnihii Beesha Caalamka ka joogay Garoowe, kuwaasi oo galiyay jahwareer shaki galiyay qodobada qaar oo halkaasi lagu kala saxiixday.

Ka hor inta aan warqadahaasi la kala saxiixin ayaa waxaa madasha ku aqriyay Wakiilada Caalamka ka joogay Shirka, kuwaasi oo dalbanaayay in wax lagu daro qodobada misna wax laga nusqaamiyo.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa haleeli waayay diidmada qodobada qaar, kadib markii uu saaxiib u noqday dhafar iyo shirar aan dhamaan, waxa ayna Dowladu iminka qabtaa shaki ku aadan qodobada qaar, sida lagu sheegay War-saxaafadeedka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Xassan.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa culeyska ugu badan kala kulmaayay Wakiilka QM u qaabilsan Somalia Michele Keating, Wasirka arrimaha Dibadda Ethiopia Tedros Adhanom iyo Xoghayaha Guud ee IGAD Maxbuub Macalin, Wakiilka Ururka Midawga Yurub ee Soomaaliya (EU) Michele Cervona.

Jahwareer kadib Ra’isul wasaaraha dalka ayaa qaatay Qodobo dhowr ah oo u muuqday in lagu cadaadiyay kuwaasi oo libin siinaaya maamulka Puntland.

Ma cadda sida ay Dowlada Somalia ka yeeli laheyd indha sarcaadka madasha ka dhacay.

 DAAWO SAWIRRO MUUJINAAYA JAHWAREERKA HEYSTA RW. CCC

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada